|

Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland oo ku baaqay in danyarta la siiyo adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah

Hargaysa 07.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaannada golaha guurtida ee maamulka Somaliland ayaa xubnaha sare ee mas’uuliyiinta maamulkaas u soo jeediyay in adeeg caafimaad oo bilaash ah la siiyo dadka dan-yarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta biilasha caafimaadka.

golaha GuurtidaQaar ka mid ah xildhibaannada golaha guurtida ee Somaliland oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in uu sarreeyo qiimaha xarumaha caafimaadka iyo baaritaannadda ee deegaannada maamulka.

Waxay tilmaameen in ay jiraan dad dan-yar ah oo ka tirsan bulshada, kuwaas oo aan awoodin in ay iska dabbaraan adeegyada ay u baahan yihiin ee aas aasiga u ah nolasha.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale u soo jeediyay mas’uuliyiinta maamulka Somaliland in fursado waxbarasho la siiyo dadka aan awoodin in ay carruurtooda ka bixiyaan lacagaha waxbarashada iyo dadka reer guuraaga ah.

Hargaysa SDN/QJ

Comments are closed