Xildhibaannada Golaha Deegaanka Boorama oo xilka ka qaaday Maayarkii Magaaladaas
Borama, 01, April 2012 (SDN)- Golaha Deegaanka ee magaaladda Boorama ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen saaka waxay xilkii kaga qaadeen Maayorkii magaaladaas Cabdiraxmaan Shide Bile oo isagu Hargeysa ku sugnaa xilligaas.
Xildhibaanno tiradoodu dhan tahay 14 , kuwaasoo ka mid ahaa 21 xildhibaan ee golaha deegaanka ayaa xilka qaadista Maayarka Maayarkooda cod gacan taag ah ku ogolaaday, waxaanay si ku meel-gaadh ah u sii haya xilkaas Ku-xigeenka Maayarka Muumin Gadiid Cumar.
Magaalada Boorama ayaa maalmihii u dambeeyay waxa baadhitaanno la xidhiidha arrimo musuqmaasuq, isla markaana masuuliyiin loo xidh-xidhay ka waday Hanti-dhawrka Qaranka, iyadoo xilka qaadista Maayarka ee deg-dega ahna lala xidhiidhinayo arrimahaas.
SDN, Borama