|

Xildhibaanadii Malafsiga Jeclaa Oo Durba Hanqalka La Soo Kacay, Bilaabayna In Ay Hambalyeeyaan Heshiiska Lagu Wareejinayo Dekedda Berbera

Hargeysa, 13 May, 2016 (SDN/QJ) :– Saddex ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ku ammaanay heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee toddobaadkan ka dhacay Caasimadda Imaaraadka ee Dubai.

 

aaXildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo Mudaneyaashani ku qabteen Hargeysa, ayaa yidhi, “Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera waa guul uu Madaxweynuhu gaadhay, waxaanu leenahay Madaxweyne waanu kugu garab taaganahay, weliba waxaanu u duceynaynaa Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil oo aad iyo aad uga shaqeeyay, waxaanu leenahay halkaa ka sii wad, waxyaabo kale ayaa inoo hadhaye. Wadddooyinka inay innaga Caawiyaan baa inoo hadhay iyo waxyaabo kale. Qaranku Maanta wuu guuleystay, ee Ninkii diidaya yeelkadii, Ninka na xaasidaya ee aynu jaarka nahay ee leh Dekedo ayaan leeyahay waxaanu leenahay guul baanu gaadhnay.”

 

Cabdillaahi Balaaki, oo isaguna Shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa yidhi, “Heshiiskani wuxuu Dekedda Berbera la tartansiinayaa Dekedaha Caalamiga ah, Keydka Shidaalka oo la ballaadhinayo, dhinaca Dalxiiska oo wax laga qabanayo oo Huteelo waaweyn laga dhisayo Berbera, Waddada Berbera iyo Wajaale oo Imaaraadku yidhaahdeen gacan baanu ka geysanaynaa. Madaxweynaha waanu ku hambalyeynaynaa hawshaa weyn ee uu soo qabtay oo ka mid ah Hawlihii Qaranka ee uu Awal ba qaban jiray, inkasta oo Mashruucani yahay kii ugu faa’idada ballaadhnaa ee Somaliland u soo hoyda, Shantaa Sannadood ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dalka, waxaanu leenahay hawshaasi waa hawl ummaddu u baahnayd. Haddii Jabuuti waxaynaan jeclaysan inagaga yimaaddeen, waxa Dubai ka yimid waxaynu ku faraxno.”

 

Xildhibaan Abibakar Cabdiraxman Good, ayaa isaguna Madaxweynaha ku Hambalyeyey Heshiiska Dubai, waxaanu yidhi, “Waxaan leeyahay waa guul fiican, waa inaad hore u sii socotaa, waxaanay madaxweyne guushan aad gaadhay ee heshiiska maalgashiga Imaaraadka Carabtu ku soo korodhay waxyaalihii faraha badnaa ee aad hore u soo qabatay, sida jidadka iyo horumarka, heshiiskani waa mid aad iyo aad u muhiim ah oo dadka iyo dalkuba u baahanyahay, waayo adduunku wuxuu u socdaa qaab horumar ah oo waad arkaysaa in dekedihii la ballaadhinayo oo la casriyeynayo oo ay bulshadii sii korayso, sidaa awgeed waa inaynu ka faa’iideysanaa oo dekedeenu suuq u noqoto waddamada aan deked lahayn, waxaanan ku leeyahay Madaxweyne waa tallaabo illaahay ku waafajiyey oo aanu kugu garab taaganahay ee Hambalyo”.

Comments are closed