|

Xildhibaanada Soomaaliya oo ka digay Hantida Qaraka in lalunsado Xiligan Kala Guurka ah DHAGAYSO

Muqdisho 28.Aug 2016 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah xubnaha Baarlanka dawlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegay in xiligan xukuumada jirta uu qatigeedu sii dhamaanayo isla markaana ay waddo qorshe lagu dhacayo hantida shacabka Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Maxamed Iidle geedi oo kamid ah mudanayaasha xubnaha Barlamanka Soomaaliya una qaabilsan maaliyada ayaa sheegay inay xukuumadu waddo qorshe lagu dhacayo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

 

Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inaysan Macquul ahayn qof kamid ah shaqaalaha Bandhiga inuu la baxo lacag hadii uusan dawlada garab ka helin.

 

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawan bangiga dhexe ee Soomaalia lagala baxay lacag cadadkeedu uu dhanyahay $530 kun oo dollar taas oo la sheegay inuu la baxay lacag hayihii bandhiga.

Comments are closed