Xildhibaanada Labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda Kaga Jira Gobolada Awdal Iyo Salal oo Si adag uga Hor Yimid Diiwaangelinta Xukuumadu rabto inay ka Qabato Deegaano Lagu Muransan Yahay DAAWO
Boorama 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalada Boorama Gaadhay Xildhibaanada Golaha Guurtida Iyo Wakiilada kaga Jira Gobolada Awdal Iyo Salal Kadib Markii ay u Yeedheen Hogaanka Dhaqanka ee Goboladaasi Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Boorama Waxay si adag uga Soo Hor jeesteen damaca Xukuumada ee Ku wajahan Diiwaangelin laga sameeyo Lix Goobood oo Muran ka Taagan yahay Gobolka ay raacayaan.