Xildhibaanada Kulmiye ee Wakiilada oo ku kala qaybsan Ansixintii Xeer hoosaadkoodii dhaqangalay ka DAAWO QURBEJOOG.COM
Hargaysa 28.Jan 2014 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Ku abtirsada Xisbiga Kulmiye ayaa ku kala qaybsan Qaabkii Maalintii Shalay loo Meel mariyay Xeer hoosaadka Golahooda oo Awoodii ka rifay labadii Gudoomiye ku Xigeen.
Xildhibaanadii Xisbiga Kulmiye ee ogolaa Xeer hoosaadka ansixintiisa ayaa sheegay in Cida uu Xeerkani dan u yahay uu yahay Xisbiga Kulmiye inkasta oo ay Hoosta ka xariiqeen in Xeerkan uu yahay ka uu Golaha Wakiiladu ku Shaqaynayo.
Halka Mudanayaasha Xisbigaasi ee Xeer Hoosaadka ka soo Hor jeeday ay ku Tiraabeen Mid baalmarsan Distoorka dalka .
Shabakada Qurbejoog.com ka Daawo Hadalkii Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada iyo Afkaaraha Mudanayaasha .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com