|

Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Xisbiga Ucid uga Soo Baxay Gobolada Awdal iyo Salal oo Hargaysa ku Kulmay,Iyo 10 Mudane oo ku soo biiray {DHAGAYSO}

Hargaysa 05.Sep 2013 (SDN)- Mudanayaasha Golaha deegaanka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid uga soo kala baxay Gobolada Awdal iyo Salal ayaa Maanta caasimada Hargaysa ku yeeshay Kulan isbarasho.

ku soo biirayXildhibaanadan oo Tiradoodu dhamayd 8 Mudane waxaa ku soo biiray 10 Xildhibaan oo kale oo ka soo kala jeeda Ururadii ku hadhay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee dabayaaqadii kal hore ka qabsoontay Somaliland waxaa kale oo Xildhibaanadan ka Mid ah Mudane Yuusuf Maxamed Nuur-Faahiye oo ka soo Jeeda Xisbiga Talada haya ee Kulmiye .

Munaasibada Soo dhawaynta Xildhibaanada ku soo biiray Xisbiga Ucid iyo Mudanayaashii uu hore ugu lahaa labadaas Gobol oo lagu qabtay Caasimada Hargaysa waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid,iyo Hogaanka Sare ee Xisbigaas

 

 

Halkan Guji oo Mobilkaaga Dhagayso Hadaladii Xildhibaanda iyo Magacyadooda

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BadhasaabJeniyare5(1).mp3″]

Hargaysa SDN,

Qurbejoog.com

Comments are closed