Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo loo qaybiyay Xeerka Baananka iyo Hay’adaha Maaliyada
Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiilada JSL oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaasha waxaa lo qaybiyey xeerka ka ganacsiga Baananka iyo hay’adaha Maaliyadeed ee Somaliland.
Xildhibaan Axmed Cumar sanweyne Gudoomiyaha Guddi hoosaadka ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa mudanayaasha warbixin ka siiyey xeerka ka ganacsiga baananka iyo hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, isagoo sheegay inay kulamo la qaateen hay’adahaas qaarkood , isla markaana la ballansan yihiin qaar kale oo ay ka mid yihiin xawaaladaha lacagtu.
Xildhibaan Sanweyne waxa uu sheegay in hay’adaha maaliyadeed ee dalku aanay lahayn xeer la yaqaano, xeerkan hadda golaha horyaallaana uu yahay mid muhiimad weyn u leh dalka JSL, isagoo ka dalbaday mudanayaasha inay si wanaagsan uga soo baaraan degaan xeerkan si loo waafajiyo dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee jirta.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com