|

Xildhibaan Xisbiga Ucid Ka Tirsan Oo Ka Digay Mooshin Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhan Ah DAAWO

Hargeysa,4Nov,2015(QJ/SDN)-Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, oo ka tirsan aqalka golaha wakiillada Somaliland, ayaa ka digay in golaha wakiillada la keeno mooshin ka dhan ah madaxweyne Siilaanyo. Wuxuu sheegay in sababta mooshinku tahay muranka ka dhexeeya dhinacyada Kulmiye.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee wakiillada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye xigeenka labaad Dr Cali Yuusuf Axmed, oo hogaaminaya mudaneyaal miisaan ku leh Kulmiye ayaa la safan musharaxiinta isbahaystay ee ka soo horjeeda madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi. Muranka ayaa ku saabsan cidda hogaanka Kulmiye u metelaysa doorashada 2017-ka.

Mudanahan ayaa ka digay mooshin la sheegay in mudaneyaasha la safan musharaxiinta isbahaystay wadaan mooshin xukumadda ka dhan ah. Waxa uu sheegay inaanay madaxweynaha cudur daar lagu eedeeyo aanay u noqonayn u kala eexashada Kulmiye iyo wareejinta haamaha shidaalka Berbera.

Comments are closed