Xildhibaan Xasan:“Bukhaariyoow intaad ku mashquulsantahay Wasiirka Daakhiliga wax ka qabo fidmada Beeshaadu wado”
Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida oo jawaab ka bixiyey Eeddeymo iyo Dhaliilo loo jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha
Hargaysa 14.October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Xasan Cumar Axmed (Xasan-dheere) oo kamid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa jawaab ka bixiyey eeddeymo iyo dhaliil loo jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo isku deegaan ka soo jeedaa ku tilmaameen inuu ku fashilmay hogaaminta Wasaarada Arrimaha gudaha.
Xildhibaan Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta eeddeymaha u jeediyey Wasiirka Arrimaha guduhu, ay la safanyihiin Beesha ay ka soo jeedaan oo saluugsan go’aamo dawladdu ka qaadatay arrimo nabad-gelyo daro oo ay qayb ka ahayd, halkii ay dejin lahaayeenna ay la safanyihiin.
Xildhibaan Xasan oo Jawaabtiisa si toosa ugu socodsiiyey Xildhibaan Saleeban Bukhaari oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana mida Dadka eeddeynta iyo Dhaliilsha u jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa kula taliyey Xildhibaanadaas iyo xubnaha la safan inay fidmada ka qabtaan Beeshooda, inta ay dhaleecaynayaan madaxda Qaranka.
Waxaanu yidhi “Siyaasiyiinta Qaranka oo ay ugu horeeyaan Wasiirrada iyo Xildhibaanadu waxay umadda uga masuul yihiin in Nin waliba qoyska uu ka soo jeedo uu fidmada ka qabto, haddiise nin waliba qoyskiisa fidmada ku taageero Qaranku waa dumayaa.”
Xildhibaan Xasan ayaa isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray “..Haddaba waxay noogu muuqataa in Xildhibaan Bukhaari iyo inta la socotaaba Beeshooda ku taageerayaan fidmada. Sidaasi darteed waxaanu waxaanu kula talinaynaa in beesha ay ka soo jeedaan ay ka qabtaan fidmada, halka ay ka cambaareynayaan masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta ka aqoonta iyo mustawaha sareeya inay Qoys la saftaan, isaga oo Xildhibaan Bukhaari ku sifoobay ama caaddeystay inuu masuuliyiinta qaranka wax ka sheego, isagoo shaadh qabiil huwan.”ayuu yidhi.
Xildhibaan Xasan Dheere, ayaa ugu dambeyn kula taliyey Xildhibaan Bukhaari iyo Xildhibaanada kale Beeshiisa inaanay ku mashquulin Wasiir Faratoon iyo Wasaaradiisa, balse looga baahanyahay inay wax ka qabtaan xad-gudubyada Beeshoodu ku kacayso. “Ugu dambeyn Saaxiibkay Xildhibaan Bukhaari waxaan leeyahay intaad Wasiirka Daakhiliga ku mashquulayso Qabiilkaaga ayaa kaaga baahane ku mashquul oo wax ka qabo fidmada ay wadaan” ayuu kula taliyey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin X. Maxamuud Xiir oo ah masuul ku cusub shaqada Wasaaradda arrimaha gudaha oo dhawaan loo magacaabay, ayaa intii uu joogay wax badan ka qabtay dhacdooyin nabad-gelyo daro oo ka dhacay dalka.sida shaqaaqo ka dhacday Degmada Ceel-af-weyn oo ay Wasaarradiisu si mugle uga howl-gashay soo-afjarideeda.