Xildhibaan Xaaji Cabdi (Waraabe) oo xaalad Caafimaad loogu Qaaday Dalka Ethopia
Hargaysa 18.Dec 2015 (SDN/QJ):-Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf oo mudo u jiifay xaalad caafimaad ayaa shalay Gelinkeedii dambe loo qaaday Dalka Ethopia halkaasi oo loogu sameynayo qaliin.
Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo oo xidhiidh la sameeyay mid ka mida ehelada Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe oo lagu Magacaabo Mahamed Cabdiraxmaan ayaa noo sheegay in Maa
nta galinkii dambe xildhibaanka loo qaaday Dalka Ethopia halkaasi oo qaliin loogu sameyn doono.
Mahamed Cabdiraxmaan Waxaa uu noo sheegay in qaliinka Xildhibaanka loo sameynayo uu yahay sidii dhiig Guntamay Xildhibaan looga sii dayn Lahaa.
Madaxwaynaha Somaliland Mudane Siilaanyo ayaa saaka xildhibaanka ku booqday gurigiisa kaasi oo sheegay in xildhibaanka loo qaadi doono Waddanka Ethopia.