|

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Wasiirka Dib u dejinta ku eedeeyay inuu Xidhay Gudoomiyihii Xisbiga Waddani ee Gobolka Saraar

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):-X ildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga guddoomiyaha gobalka Saraar ee xisbiga Waddani Maxamuud Warsame Geedi oo uu ku eedeeyay inuu xidhay wasiirka dib u dejinta iyo wasiirul dawlaha waxbarashada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

xildhibaan siciid cilmi roobleXildhibaan Siciid oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqal insaanka, distoorka iyo garsoorka ee golaha wakiilada, oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu sheegay in xadhiga masuulkan ay shalay isu bahaysteen labada wasiir ee dib u dejinta iyo wasiirul dawlaha waxbarashada. “Waxaan dhawaaq dheer ku cambaaraynayaa xadhiga masuulkaas xisbiga Waddani ka tirsan, waxaanan u arkaa xadhig cadaalad darro ah oo aan sharciga loo soo marin, lana doonayo in lagu aamusiiyo codka rajada isbedel doonka ee Somaliland. Waxa masuulkan xidhay wasiirka dib u dejinta iyo wasiirul dawlaha waxbarashada, waxaanan xukuumadda ugu baaqayaa in la soo daayo masuulkaas, maadaama oo aanu xadhiga siyaasigu waxba tarin.”

Comments are closed