Xildhibaan Sheegay inuu Wax Ku Dooran Doono Daraasad ay Siiyeen Bulshada uu Matalo si uu u Rumeeyo Rabitaankooda ee Doorashada Maanta ee Madaxweynaha Somalia DAAWO
Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay barnaamij uu ku aruurinayay aragtida dadka Soomaaliyeed uu matalo kuwaa uu ku weediinayay cida mudan in uu codkiisa siiyo.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in uu aruurinayay aftida dadka Soomaaliyeed uuna ku ogaanayay cida ay doonayana shacabka Soomaaliyeed in uu codkiisa siiyo, waxa uuna tilmamay in aftida ay arigtidooda ka dhiibteen in ka badan 41-kun oo qof, waxaana cod aruurinta socotay mudo bil ah.