|

Xildhibaan Sh.Ibraahin Axmed oo ka Tirsanaa Golaha deegaanka Boorama oo daadifeeyay Xilka qaadis lagu sameeyay

Boorama 04.Sep 2013 (SDN)- Xildhibaan Sh. Ibraahim Axmed Liibaan oo ka mid ahaa xildhibaano sedex ah oo ay dhawaan Xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama sheegeen in xilkii madaxda gudi hoosaadka arimaha nabadgalyada ee golaha ayaa gabi ahaanba ku gacan saydhay xil ka qaadistaasi lagu sameeyay isaga iyo xildhibaanaas kale, waxana uu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Xildhibaan Sh. Ibraahim oo ka hadlaya waxa uu u diidan yahay ayaa waxa uu yidhi “Waxa ay gabi ahaanba ahayd mid aan sharciga waafaqsanayan, waxa noo yaalay Ajande loo codeeyay oo la ansixiyay oo aan kaga doodaynay kalfadhiga, qodonkan xil ka qaadistuna waxa uu ahaa mid ka baxsan Ajandahii noo yaalay, sidaasi aawadeed, ma ahayn wax sharci ah, mana qabo in xilka la noo igmaday uu yahay mid aan gabnay oo aan ku fashilanay sida ay yidhaaheen, waxana haboonayd hadii ay dhaliilayaan masuuliyada na saran inay qaab sharciyada waafaqsan oo ah inay qoraal ahaan ugu soo gudbiyaan shir gudoonka oo la ansixiyo oo lagu daro ajandaha, qaabkaas ayaa loo marayaa, xildhibaanada sheegay inay xilkaqaadista nagu sameeyeena, iyaga ayaaba sharciyada ku gafay”.

Xildhibaan Sh. Ibraahim oo wax laga waydiiyay waxa uu ku diidan yahay xil ka qaadista mar hadii xilku meerto yahay ayaa yidhi “Ma diidani in xilka la iga qaado, xilku inuu meero yahayna waan ogahay balse waxa aan ka soo horjeednaa waxa ay tahay sharciyada la baal maray ee aanan haboonayn, maalintaasi waxa aan ku maqnayn hawl maalmeedkii caadiga ahaa, xildhibaanada xilka naga qaadayayna waxa ay ka faaiidaysanayeen maqnaashahayaga iyaga oo ogsoonaa inay jireen maalmo kale oo badan oo ay iyaguba maqnaayeem, sharciyada ha la raaco ayaanan mar kale ku celinayaa.

xildhibaan boorama Mudane Sh. Ibraahim waxa uu meesha ka saaray jiritaanka khilaaf ba’an oo u dhexeeya golaha oo keeni kara in la isugu soo mar-marsiiyoodo xil ka qaadis noocan oo kale ah waxana uu yidhi “Kala qaybsanaanta noo dhaxaysaa waa mid dhinaca afkaarta iyo ra’yiga ah, waxa ay ku siman tahay oo kaliya sidii hawsha loo wanaajin lahaa loona wada hiigsan lahaa meesha hawsha ay dadwaynuhu noo igmadeen eek u aadan wax qabadka”

Xildhibaan Sh. Ibraahim waxa kale oo xusay in waxqabadka waaxdiisa iyo guud ahaan golahu yahay mid balaadhan oo la taaban karo “Waxa aad ka marag kacayaa in golaha intii la soo doortay ay wax badan u qabsoomeen isla markaana uu waxa ka mid ah waxqabadka ka muuqda, jidadka, sariibadaha murankii dhulka oo hoos u dhacay iyo bilicda magaalada”.

Xil. Sh. Ibraahim waxa uu difaacay kalfadhiga daba dheeraaday ee golaha oo maraya maalintii 10aad, waxana uu yidhi “Waa hawshii la noo soo doortay mida aan haynaa, waxa aan dajisanay qodobo u baahan in sidooda looga doodo oo meel la saaro si looga taxadiro inay mar kale nagu soo noqdaan, sidaasi aawadeed waxa hubaal ah in aan wadno hawl midho dhal ah oo aan u baahnayn in la yidhaa way daba dheeraatay, waxana ka soo baxi doono qodobo midho dhal ah oo uu saxaafada iyo cid walba oo ay khusayso la wadaagi doono afayeenka golaha oo ah Gudoomiyaha golaha degaanka Boorama.

Xil. Sh. Ibraahim waxa uu cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay wararka aan raadka lahayn ee ay qaar ka mid ah xildhibaanada dhigiisa ahi siinayaan saxaafada, waxan uu ku baaqay in laga waantoobo isaga oo xusay cida kaliya ee war sharci ah oo la isla qaatay inta golahu socdo bixin kartaa inay tahay Afayeenka golaha ahna Maayarka Boorama

Hadalkan ka soo yeedhay Xil. Sh. Ibraahim oo uu xusay inay la qabaan labada kale ee xildhibaan ee xilka laga qaaday ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti uu golahu maalintii 10aad u fadhiyo kalfadhigiisii isla markaana aanan saxaafada si toos ah loogu sheegin waxa ka soo baxay.

Borama SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed