|

Xildhibaan Reer Holland ah oo Diiday inuu Gacan qaado Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda, Laabtana ku xidhay Calanka Falastiin!!

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisul wasaaraha Waddanka Yuhuudda Benjamin Netanyahu Xili uu Todobaadkii Tegay booqasho ku maraya dalka Holland ayaa weji gabax xoog leh kala kulmay xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaasi Holland oo salaanta ka qaadi waayay kadib markii uu xildhibaankaasi diiday in uu gacan qaado.

57d01849c36188c50d8b45c0Xildhibaan Tunahan Kuzu oo saf kula jira siyaasiyiin kale oo soo dhoweynayey ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa diiday inuu salaanta ka qaado Netanyahu oo gacanta u soo taagay.

Isagoo weji gabaxsan ayuu Netanyahu iska dhaafay markii laga qaadi waayey salaanta waxaana la maqlayey isagoo leh Ok oo sii gudbaya.

Kuzu ayaa koodhka uu ku lebbisnaa waxaa u sudhnaa garabka calanka Falastiin markii uu diidayey inuu salaanta ka qaado Netanyahu, waxaana arrintan si weyn u hadal hayey saacadihii ugu dambeeyey warbaahinta caalamka, iyada oo dalka Israel cadho diblomaasiyadeed ka bixiyey wada tashina kula jira safiirkooda Holland.

Xildhibaan Kuzu oo ka tirsan Baarlamanka Holland una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa ugu qiil sameeyey ficilkiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook isagoo sheegay in aanu istaahilin soo dhoweyn Netanyahu oo caruur iyo haween ku xasuuqay marinka Gaza aysana ahayn in la ilaawo ficiladiisii xun.

xildhibaan Tunahan Kuzu ayaa ka mid ah xildhibaanda dalka Holland u dhashay ee sida weyn ula dhacsan qaddiyadda reer Falastiin aadna u neceb yuhuudda iyo sida ay shacabka reer Falastiin u dhibaateeyaan ahna xildhibaan ku jira guddi u dhaqdhaqaaqa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Yuhuudda loona taageeri lahaa shacabka Falastiin ee dhibaataysan.

Inta badan muddooyinkan dambe waxa isa soo taraya nacaybka dalalka reer Galbeedku u qabaan Yuhuudda kadib sannado badan oo laabta ay ku sideen aadna u jeclaayeen yuhuudda balse dhibaatada Yuhuuddu ka gaysato marinka Gaza iyo daanta galbeed ee Falastiin ayaa iyo dhibaatada guud ee ay siyaasadda caalamka ku hayso ayaa keenay in nacaybkeedu sii kordho oo uu gaadho xataa dalalkii reer Galbeedka ee awal gar iyo gardarroba hore ugu raaci jiray.

Comments are closed