Xildhibaan Rayte Oo Bannaanka Soo Dhigay Tabaha Qarsoon Ee Xukuumadda Siilaanyo Shacabka Ku Wiiqayso.
Hargeysa:21-Sep-2013(SDN)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (rayte) oo ka mid Golaha wakiillada Somaliland, kana tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa dhaliilo cul-culus oo dhinacyo badan taabanaya dusha ka saaray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu sidoo kale soo Faqay Saamiyada Heshiis-baadhista iyo cida dhabta ah ee iska leh.
Xildhibaan Rayte oo ka Hadlayey madal soo dhaweyn uu ugu sameyeey xisbigiisa waddani, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey Qaraabo, musuqmaasuq iyo Go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaaale oo ay waddanka u horseedday.
Ugu horrayn Xildhibaan Rayte ayaa ugu horrayn Eedo kulukul dusha ka saaray Hannaankii loo maamulay dib-u-dhiska Garoonka wali kala dhiman ee Cigaal International Airport oo uu sheegay in qandaraaskiisa lagu Bixiyey qaraabo-kiil, waxana uu ee sheegay in la siiyey nin gaar ah oo cidla iska jooga, “maalintii qandaraaska la bixinayey ayey ahayd inaynu nidhaahno waar ka daaya, waayo Qandaraaska waxa lagu Bixiyey Qaraabo-kiil. ninka la siiyey waa shakhsi iska socda, ma aha shirkad, waxa la tartamayey shirkado waaweyn oo Garoomo soo dhisay oo awood dhaqaale iyo mid siyaasadeedba leh oo la hayo rikoodhkoodii, xukuumaddaana si aan xaq iyo sharci midna ahayn u siisay nin iska mudh mudh leh” ayuu yidhi xildhibaan Rayte.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Ninkaas Garoonka Qandaraaskiisa la siiyey loo sameyeey magac Been Abuur ah oo lagu sheegay shirkad, isagoo xusay in niman Chines ah oo hore wasiirka Duulistu ugu sheegay inay shirkad ahaayeenna Macdan-qodayaal, waxana uu yidhi, “Waxa uu wasiirku lahaa shirkad baa la siiyey oo chine ayaa dib ugu yeedhay, waxbase kama jiraan chine Horn Group kama jirto waddankaas chine, Rugta Ganacsiga ee Chine kama soo helaysid, nimanka meesha marayeyna niman macdan baadhaya ayey ahaayeen, ninka la siiyeyna Arrin dhimseba shaqo kuma uu lahayn, ganacsi kale oo Dubai iyo meelahaas ah ayuu ku jiri jirey,”
Sidoo kale waxa uu xildhibaanku farta ku fiiqay in gees laga dhaafay shuruudihii u yaallay qandaraaska Garoonka oo Qalab Been abuur ah oo shirkad kale leedahay markii hore shacabka la tusay, waxana uu yidhi, “Shuruudaha waxa ku jirey shirkadda soo qoranaysaa inay qalab haysato, waxana meesha la soo dhigay qalab shirkad kale leedahay, ka dibna shirkaddii kale dibaddaa la dhigay, maalintaasayna ahayd inaynu nidhaahno waar joojiya bahalka.”
Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “qaar baa Tv-ga qaranka ka lahaa Haddii la dhaleeceeyo Madaarka waddankaa wax loo dhimayaaye, waar waddanka ma ninka xoolihiisa cunay baa wax u dhimaya mise ninka leh waar ha cuninee ka daaya.”
Xildhibaan rayte, ayaa sidoo kale sheegay in fadeexadda garoonka Hargeysa ka dhacday ay hoos u dhigtay meeqaamkii siyaasadeed iyo kii dhaqaale ee Somaliland, waxana uu yidhi, “Arrintan waxan u arkaa inay dhalisay in xidhiidhkeenii dubllumaasiga ahaa oo markii horeba aan adkayni inay nabar weyn u yeeshay oo Ethiopia oo wax wada-qabsi iyo iskaashi inaga dhexayeeyey ay kala dhantaashay, iyo inay dhaqaalaheenii saamayn weyn ku yeelatay.”
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte waxa kale oo uu ka hadlay xeerka Horumarinta waddooyinka ee Horyaalla Golaha wakiillada Somaliland, oo uu sheegay inaanu wasiirka madaxtooyadu xaq u lahayn inuu Golaha horkeeno xeer cashuur lagu kordhinayo, “xeerkan Fadeexadda ah ee Golaha haatan horyaalla, waxan leeyahay wixii cashuuraha ku saabsan iyo kordhintoodu waa inay noqotaa Siyaasad dawladeed, taasna sida sharciga ah waxa gacanta ku haya Wasiirka Maaliyadda oo ay shaqadiisa tahay, mana garan karo sida uu wasiirka madaxtooyadu uu u hindisi karo in cashuuro la kordhiyo, awooddiisana ma aha sharciyanna waa khalad.” Ayuu yidhi xildhibaan Rayte.
Xildhibaanka oo sharraxaad ka bixinaya hannaanka sharciga ah ee Cashuur la kordhiyaa Golaha wakiillada ku soo gaadhi karto iyo cidda u soo gudbin kartaa, ayaa yidhi, “cashuurta la kordhinayaa waa inay ka soo unkantaa wasaaradda Maaliyadda oo ku dhisnaataa siyaasad cad oo dawladdu leedahay oo Golaha wasiirradu isku soo raacaan oo ka soo doodaan, dabadeedna madaxweynuhu golaha u soo Gudbiyo.”
Waxa kale oo uu xildhibaan Rayte si ba’an u dhaliilay Baabi’intii lagu sameyeey Hay’addii waddooyinka Somaliland ee SRA-da la odhan jirey oo uu sheegay in qaranku ku waayey lacago malaayiin doolar ah oo la ina siin lahaa, waxana uu yidhi, “sababta cashuurta loo kordhinayaa waa markii Hay’addii madaxa bannaanayd ee Bulshadu ka wada qayb gelaysay ee Bulshada caalamku ku kalsoonayn la xisaabtan keeda markii la horkeenay wasaaradda madaxtooyada ayuu caalaku lacagtiisii la noqday oo yidhi meel aanaan lacagtayada dhaqdhaqaaqeeda ka arkaynin ma gelinayno.lacagtii malaayiinka ahayd ee EU-du ina siinaysay arrintaasaa Hakisay”
Xildhibaanka ayaa xusay inay adagtahay Mar Haddii reer Yurub-ba Wasiirka Madaxtooyada ku Aamini waayeen Lacagtoodii in shacabkuna ku aamino lacagtooda cashuurta looga qaado, waxana uu yidhi, “Dadkeena cashuurta waaba saari lahayne sidii loola xisaabtamayaa Haddii EU-du ka baqatay Haddii lacagteedii inay gelisay inana miyeynaan ka baqayn inay lacagteenu inay meel xun marto.”
Dhinaca kale xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte qaabkii xukuumaddu u bixisay Rukhsadaha shidaal-baadhista oo uu xusay in la siiyey shirkaddo samays ah oo maalmo ka hor qaarkood la sameeyey,“shidaal baadhisteenna waxa ugu horreeya oo ka khaldan qaabkii markii horeba loo Bixiyey Rukhsadaha, waxana la siiyey shirkado shandadda logu sito oo halkan laga soo samaystay oo qaarkood haddaad u fiirsato markii la sameeyey iyo markii qandaraaska la siiyey Bilbaa u dhaxaysay.” Ayuu yidhi Rayte.
Xildhibaanka ayaa farta ku fiiqay shirkado dillaalliin ah oo u kala dambeeyey iibka ruqsadda, waxana uu sheegay in lacago xad-dhaaf ah la kala siistay ruqsadahaas, waxana uu yidhi, “Waxa lagu bixiyey Musuqmaasuq caddaan ah, shirkaddan qodaysa ee Genel Energy ee Haatan Baxday ma aha shirkaddii la siiyey, waxa laga sii iibiyey ruqsadihii, oo mararka qaarkooda gacantii saddexaad bay maraysaa, nimankii dillaaliinta ahaa ee ruqsadda la siiyey Shirkado kale ayey ka sii iibiyeen iyagoo aan waxba waddanka gelin lacag fara badan oo maalaayiin gaadhaysa ayey jeebka ku shubteen, lacagtaasina innaga ayey hadhaw ina saaran tahay nin baana jeebka ku haysta.”
Xildhibaan Rayte waxa uu xaaraan ku sheegay nidaamka loo bixiyey ruqsadaha, maadaama aan baarlamaanka la horkeenin, waxana uu yidhi, “sida loo kala iibsaday baa xaaraan ah oo aan dawladdu waxba ka ogayn , sida loo bixiyeyb baa xaaraan ah oo aan baarlamaankii la soo marin oo sida distoorku qorayo ay waajib tahay in heshiisyada noocaas oo kale ah in Barlamaanka la soo mariyo.”
Xildhibaan Rayte oo dhinaca sharciga aad ugu xeel-dheer ayaa tilmaamay inaanu wasiirka macdantu xaq u lahayn inuu wax heshiis ah saxeexo, maadaama oo aan wali Golaha wakiillada la hor geynin sharcigii macdanta, waxana uu yidhi, “Xeerkii Shidaalka iyo macdanta lama soo saarin Somaliland, dawladduna ma doonayso in la soo saaro, wasaaradda macdanta ayeyna ahayd inay soo saarto, taanna diyaarna uma aha, Haddaan xeer jirinna waxba ma socon karaan, Wasiirku ma laha awood inuu shidaal saxeexo iyadoon xeer jirin, awoodaha wasiirkana waxa xaddida sharciga, sharcina meesha ma yaallo.”
Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “ ilaa iyo imika afar heshiis baa la saxeexay mid kaliyana xaqul qalinkeedii ma hayno, maalinbaan maqlay wasiirkaa lacag ninka ka soo qaaday oo dahabshiil ku shubay, waa saxe lacagta dawladda maxaa Dahabshiil dhigay.”
Ugu dambayntii waxa uu xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte shacabka reer Somaliland u soo bandhigay saamiga Biyo-kama dhibcaanka ah ee shidaalka laga Qodayo dhamaanba goobaha la calaamadiyey ay Somaliland ku leedahay, waxana uu ugu horrayn ka hadlay Xayndaabka Gobolka Saraar, waxana uu yidhi, “Block-ga Saraar 75% Waxa la siiyey Genel Energy, 25% waxa leh east African Recource Group, Somaliland-na waxa ay leedahay 0%, bal isweydiiya waa ayo shirkadda Afirka Recource Group, wax tix raacana ma leh waxana ay ka diiwaangashan tahay jasiirad yar oo ingiriiska ah oo Akownganada Tuugada ah lagu qarsado.”
Sidoo kale waxa uu xildhibaanku sheegay saamiga dhabta ah ee Somaliland ku leedahay goobaha kale ee wax laga qodayo, waxana uu yidhi, “Block-ga Oodweyne waxa la siiyey Petrosoma, oo ah runtii shirkad dilaal ah oo beri dhaweyd la sameeyey qandaraaskana la siiyey, waxana ay qandaraaskii ka iibisay shirkad kale oo ka sii iibisay 50%Genel, Somaliland-na waxba kuma laha. 20% waxa leh Petrosoma, 30% Jaca Recource, 50% waxa leh Genel. Block-ga Saddexaad 22% Waxa leh shirkad carbeed oo la yidhaahdo Rasal-khaymah Gas Company, 2.5% waxa leh Somaliland taasaan loogu qaatay, inta kalena waxa iska leh shirkadda Ophir.”
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com