|

Xildhibaan Qiil U Sameeyey Muddo kordhinta Madaxweyne Siilaanyo u Sameeyey Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda

 

Hargesya:21-Oct-2013(SDN)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ah Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Shuruucda iyo garsoorka ee Golaha wakiillada somaliland, ayaa taageero u muujiyey kordhinta muddo xileedda Guddida Diiwaangelinta oo dhawaan madaxweynuhus sameeyey.

caalinkaXildhibaan Cabdiraxmaan oo ka jawaabayey dhaliilaha axsaabta mucaaradka iyo qaar ka mid ah xildhibaannadu us oo jeediyeen Muddo kordhintan, ayaa tilmaamay in madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu muddada u kordhiyo Guddidan, taasina ay ku caddahay xeerka loo yaqaan xeer/no. 14. “Sida ku xusan xeerka 14 lifaaqiisa ee golaha loo soo gudbiyay sannadkii 2011-kii bishii December waxa jira lifaaq lagu sameeyay kaabid xeerkan 14, kaasi wuxuu cadaynayaa qodobkiisa 3aad in awood Madaxweynuhu u leeyahay inuu u kordhiyo muddada guddidu sida uu xeerku dhigayo qodobka 3aad faqradiisa 6-aad kaabista lagu sameeyay waxay xusaysaa guddidu waxay xilka haynayaan muddo labo sannadood oo ka bilaabanta maalinta maxkamada sare xilka u dhaariso, Madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa haddii loo baahdo, iyada oo kordhinta cusub laga ansixin doono golaha wakiillada, markaa sharciyan waa ansax Madaxweynuhu awood buuxda ayuu u leeyahay sida uu xeerkaasu sheegayo in loo kordhin karo muddadu hadday ka dhamaato guddida diiwaangalinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka.” Ayuu yidhi Xildhibaan Caalin

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin waxa uu  qaabka ay axsaabta mucaaridku u dhaliileen Muddo kordhinta Guddidan ku sheegay aqoondarro, waxana uu yidhi, “Qolada mucaaridka ah ee sida cad uga hadlay waxaad moodaa inaanay xeerka dhamaystirkiisa helin, kaabistiisana helin xubno golaha ah ayaa ku jira meel ay ka martay garan maayo, haddaanay badheedh ahayn ama waa aqoon daro oo jahli keenay ama waa indho la’aan xaqiiqada xeerka iska indho tirayaan, waana iska caadi in wax uun la sheego, iyadoo aan xaqiiqada la gaadhin. Waa inoo caadi hadduu qofku mucaaridka noqdo in uu indho beelo oo aanu xaqiiqada raadin.”

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa isagu noqonaya xildhibaankii ugu horreeyey ee ka hadla muddo kordhinta Guddidan muranka badani ka dhashay loo sameeyey, waxana uu sida muuqata isagu haatan daliishanayaa qoddobo sharci ah oo uu dooddiisa ku adkaynayo.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed