Xildhibaan Qabile: waxaan halkan uga dirayaa golayaasha sharci dajinta inay simug leh isugu diyaariyaan samata bixinta dalkan iyagoo umaraya dastuurka iyo xeerarka dalka
Hargeysa Dec 13,2013(SDN)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa qoraal iyo tix gabaya oo uu tiriyay ayaa uu ku sheegay in dalku u baahan yahay bedbaado ka timaada golleyaasha sherci dejinta qaranka.
”
Sida uu jidaynayo dastuurka qaranka jamhuuriyada somaliland iyo xeerarku dalku mabanaana in lagula kaco dil aan shareecadu ku jidayn ruuxnaba, hadaba sida ay bulshadu lawada socoto waxaa si taxana ah caasimada hargeysa kadhacayay dhacdooyin ugub ku ah somaliland kuwasoo lagu fulinayo muwaadiniin iyo masuuliyiin qaranka ah. Marka aynu dhacdooyinka kuwa ugu dhumcda wayn soo qaadano waxaa kamid ah falkii lagula kacay wargeyska hubaal oo isigu jiray khaarajin nafeed iyo gabood fal sharciga ka dhan ah oo lagula kacay wargeysa hubaal, kalana kulmeen tacadiyo isugu jira xabsi dhigid hawl wadenadii falkaa lagu lakacay iyo xayiraad sharci darro ah oo wargeyska lagu hakiyay hawl maalmeedkiisii in muddo ah; taasoo kasoo horjeeda dastuurka somaliland gaar ahaan xuquuqda xoriyaadka, xeerka saxaafada iyo xeerka udegsan xuquuqal insaanka.
Waxaa taa kasii layaab badnayd gacan kudhiiglihii fulinaayay falka iyo hubkiisii ee gacanata ay kudhigeen isla markaana ay galiyeen gacanta haayadaha amniga isla markaana katirsanaa ciidamada policeka somaliland, eedaysanahaa oo kadib markuu muddo todoba bilooda kuxidhnaa xabsiga dhexe ee hargeysa loo gudbiyay maxkamada ciidamada qaranka, halkaas oo si aan caqligu qaadan karayn ninka galay danbiga darajadii usaraysay si sahala oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka si ula kaca halkaa looga sii daayay ilaa haddana aan jawaab ukuf ah waxa dhacay aan laga hayn dhinac xukuumada somaliland waax tallaaba ahna aan laga qaadin danbiga laba jibaaran ee marlabaad lagu fuliyay gacantii xuguumada arinkaasoo muwaadin kasta oo somaliland kunool ku qanciyay amaan darada kadaah furatay somaliland iyo sida looga faraxashay cadaaladii somaliland .
Dhacdadan xasaasigi ihi ee kadhanka ah wergeyskanhubaal intaa kumay koobnayn, intaa kadib wargayska hubaal wuxuu iclaamiyay mudaharaad salmi ah oo ay dareenkooda ugu gudbinayeen bulshada reer somaliland bahda saxaafada, ururada xuquuqal insaanka, fariin ay sharciga umareena u ahayd xukuumadii foolxumadani dusha usaarnayd waxaa kale arintan daareen warwar leh kamuujiyay xisbiyada mucaaridka ah ucid iyo wadani, si lamida waxaa arintan uqaadaa dhigay ururka solja ee saxaafadu kubahawday iyo haayadaha xuquuqal insaanka oo dareen taban kabixiyay cakirnaanta xaalada iyo indha adayga macangagnimadu hadhaysay ee badheedhka ah, waxaan kaloo tusaale usoo qaadanayaa dhacdadii aniga la igu fuliyay fuliyey la iskuna dayay in anniga la igu khaarajiyo ee xaafada jigjiga yare e magaalada hargeysa taariikhdu markii ay ahayd 21/10/2013 oo ay ila socdeen labada nin ee lagu kala magaacaabo axmed maxamed qaalib iyo c/raxmaan axmed huruuf , waxaan qabaa dhacdadani in ay ahayd tii baadhitaankeedu ugu dhaga nuglaa ee ay waxwaliba dabada yimaadeen, iyaba waa ayaan darro jirtee falkan oo dhacsanaa muddo dhan afar iyo lixdan (64) habeen oo aan la horkeenin xeer ilaalinta iyo haayadaha garsoorka oo aan lagaranayn sababta iyo cidda jidgooyada intaa leeg iyo xayirnaanta intaa leeg iska leh waa dareen looga warwar qabo inuu qaado dhabihii kuwii hore .
Waxaa ayaama kadib lagu xigsiiyay dharaar cad lagu weeray badhtamaha magaalada hargeysa gudoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye mujaahid maxamed kaahin axmed oo ah siyaasi iyo halgamaa magac wayn ku leh somaliland taasoo tiiraanyadii iyo warwarkii bulshada reer somaliland sii dararisay.
Dhacdooyinkan oo lagu matali karo fatah dhagaraysan oo aan kala go lahayn waxaana iyana marag madoona cabbudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo saxaafada taasoo maraysa marxaladii ugu danbaysay ee hilfaha ulaabaysay xuquuqda rayi dhiibashada ee distooriga ah iyo xog helida ee bulshada reer somaliland ay haybada ku lahayd islamarkaana doorka kasoo qaadatay geedi socodkii dimuqraadiyada iyo laab furnaanta kudhisnaa , door laf dhabar ahna kasoo qaatay dhismaha bulshada reer somaliland .
Intaa waxa raaca jidgooyadii loo galay xisbga ucid ee gobolka gabilay taasoo loo adeegsaday ciidamo iyo masuuliyiin qaran taasoo ay kasoo ifbaxday arrin dib loogu xasuustay waraaqdii dhaqdhaqaaqa ee xukuumadii siyaad barre ee 1982 taasoo ahayd wixii umadda reer somaliland ay ka dagaalantay ee ay naf iyo maalba uhureen, magarowsan karto umadda reer somaliland in sifo sharciga kabaxsan loogu gabood falo iyo xorriyadii ay ku timi dhiiga ubadkooda shuhadadii iyo geesiyaashii u dhul gallay karaamada shacbigan inaanay mardanbe kudhicin kibir iyo tacadi noocana ,ugu danbayn waxaaan ka tacsiyadaynayaa faadumo siciid oo katirsah xisbiga mucaaridka ee ucid gulufkii abaabulnaa iyo hadaladii kabaxsanaa bini’aadanimada ee lagaga abaabulay qaar kamadi gobalada dalka, aniga oo uga mahad naqaya sida anshaxa iyo dulqaadka ku dhisan taasoo muujinaysa bisaylka siyaasadeed iyo heerkeeda aqooneed,waana xiddig dhismaha somaliland ku leh door muhiima .
Haddaba aniga oo aan dhacdooyinkan xusuus mooyee aan wax cusub kubiirinayn fariin culus waxaan halkan uga dirayaa golayaasha sharci dajinta inay simug leh isugu diyaariyaan samata bixinta dalkan iyagoo umaraya dastuurka iyo xeerarka dalka isla markaana fuliyaan xilka iyo waajibaadka kaga aadan dhacdooyinkan naxdinta leh sidoo kale axsaaba qaranka muxaafid iyo mucaaridba in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta qaranimada somaliland dalkana meel looga soo wada jeesto lana dhawro laguna dhaqo dastuurka iyo xeerarka udagsan dalka.
Umadda reer somaliland waxaan urajaynayaa midnimo iyo foojignahan , waxaan qormadaydan ku soo geba gabaynayaa tixdan oon is leeyahey munaasib ayey ku tahey marxalada dalku marayo, waana tan soo socota:
1. Jidkii maarkosbuu fananayaa, ficilka muuqdaa
2. Fidmadaad ka garataa wixii, fool adeyg dhacey
3. Garashadan filkeedii tagee, feenkii soconaayo
4. Fardihii dagaalada haween, fuushan baa u baxey
5. Waxan faras magaalahaka dhaca, labada fiid cawl
6. Figta inan rageedkii ku timid, lagu fogeynaayo
7. Eefulaha gaashaanka xidhan, lagu fariideeyey
8. Fajac weeye xaajooyinkaa, fooska soo baxey
9. Farrax dheer haduunbey kortiyo, laamo foorara
10. Oon dhaqan fayoowiyo, sharcigu fayl cad ku lahayn
11. Ma fekero dadweynuhu intuu, fiirsho waayoha
12. Hadba felega meeraayabey, faqa ku deystaan
13. Dhashii feedho gurankii ku dhacey, fuushey doonyaha
14. Filanwaaga yimid baa ugu wacan, finix dhaqaaqaa
15. Farshaxan dawladnimo laga carraw,fure aqooneed
16. Fadka soo onkoda lagama galo, fooraroow aqal
17. Tawfiiqdii fantaa lagu ridiyo, kala faquuq weyn
18. Qabiilbaa faruur xidhey waxey, ficil lahaayeen
19. Foolaad waxey moodayaan, faaliyiyo tuug
20. Runtu waa falaadhaha wax dila, beentu waa faral
21. Filisyaa caqliga lagu gadataa, laguna faanaa
22. Firdhisiyo waxaa lagu dhex ridey, fiqinta gaar gaar
23. Finku wuxuu ku yaalaa, masuul faaruqoo madhan
24. Fiicnaanta wuxuu moodayaa, foolxumiyo boob
25. Waa waxa fahiidka ugu waccan, hawl la faaqido
26. Sumcadeenii waa waxa fasaqey, fey horuu kaca
27. Nin fartiisa aan garaneynaa, nooma faygaro
28. Suxufiga wixii lagu fushaa,kaaga filan hawl
29. Ruux xumaan u fooftagey, samaan kama fileysaan
30. Wuxuu galow fariimaha u direy, fiintuna u ooydey
31. Markuu kibirku foondhaaf noqdee, fiiqa sare gaadhey
32. Fiidmeer dharaar duusha & fuqaw ka eedaamey
33. Aay foosta waxa loo fasaxey, waa farsamo culus
34. Waxaan fahamku shaandheynin buu, fooda ku hayaa
35. Foodsaara la’I lama galeen,Faadumooy ucid
36. Waa fadeexad Caliyoow nin raga,faagashiyo baqe
37. Fadxigiinu wuxuu saran yahey, garasho fiilkeed
38. Waxaa loo furdaanshaa mushkilad, feydashiyo toos
39. Fursad kuu banaan lama dib dhigo, faalo iyo been
40. Hadaaan talo fadhida lagu saleyn, fooshan celinteeda
41. Oon talo la fiindheyn,halheys guul u fadal qaada
42. Fashiistaa u gacan haadiyiyo, faasiq aan geyin
43. Furuqana wax laga qaybiyaa, fooq agteena ah
44. Fuyuusyada dareemada, haduu madaxu fooleeyo
45. Faro ku hadh wax kuu noqon kara, doodo fiiro leh
46. Diigool wuxuu fuliyeybaa, maanta kuu furan
47. Anna tixuhu yey ila fidine,waxan ku soo feydey
48. Bulshadii fayoobiba marbey, xumo ka foostaaye
49. Fadhi & Cabdoow laysla waa, fuudkii yucubeed.
ALLAA MAHAD LEH
XILDHIBAAN MAXAMAD FAARAX QABILE
GOLAHA WAKIILADA S/LAND