Xildhibaan Qabile oo qodobeeyay xaalada dalka
Bismilahi Raxmani Raxiim
Wa salalaahu cala sayidna Maxamed wa calaa aalihi wa saxbihi wa salam
Dareenka Xamaasada leh Dahaadh wayn ba ku xidhan
Dulucda lama garan dhabta ah sidii dura lagu yiqiin
Fahanku doorkii ma qaban Dabcigii lagu oga bulshada
Darjiidhka wali ku badan sidii ay dawoobi lahayd
Dayaxa ciirada ku xidhan Dabaylaha kala badalan
Dad waynaha kala durkiyo Durbaankan colaada dhalay
Shaxdu dagay ruux Dan lihii Iyagoon daba galin murtida
Duuduub ku liqbay barteen Xaqiiqda iyagon u dagin
Siday daymadu ahayd Duulaankan dhexdoda yaal
Maanta oo ay bishu tahay 16/12/2014 waxaan war murtiyeedkaygan ugu duur xulaya marxalada uu dalku marayo, waxaan qaba bulshada reer somaliland xusuus mooyane in aan war murtiyeedkaygani xiise cusub kuso kordhinayan taa macnahedu waxa weeye dhaaxay bulshadu ka hadashay duurufaha ku xeeran marxalad kastana waxay u baahan tii ka horeysay oo garab dhig lagu sameyo si lo garto arin kasta halku isugu biyo shubanayo waxaanan u kala qaadaya dhacdoyinka lagu jahwareeriyo umada mudo ay ka hadhsan tahay lix bilood oo kaliyi in ay dalka ka qabsonto doorasho xor ah oo xalaal ahi taaso ay si wayn u danaynayaan bulshada reer somaliland, shucuubta geeska afrika iyo beesha caalamkuba isla markaana ka qaadanayaan gacan mug leh waxaan hada ba jecelahay in aan is dul taago dhawr qodob caqabadaha laga so gud bay ka sokow waxa hir galay
1 Meel marintii xeerka diwaan galinta cod bixiyeyaasha kaaso samayn buuq iyo muran adag ka dhex dhaliyey golaha wakiilada intiisi badnayd iyo xukumado isku dhan ah faro cididoodna ku baxsaday dalkani in furdaaminta mushkilada xal lo helo khilaafkasi oo an ahayn mid ka dhex dhashay golaha wakiilada balse ahaa mid hantidii umada iyo tamar wixii ay lahayd xukumadu ay ku curyaaminaysay hanaankii siyaasaded ee dalka
2 waxaa guud ahaan xukumadani meesha ka saartay ku dhaqankii dastuurka qaranka iyo shuruucdii dalkani laha,waxay jidaysay wareegtoyin iyo hab muquunis ah oo khilaafsan hanaankii dimuquraadiyaded iyo isu dheeli tirnaantii awoodaha dalka kuwaaso ay uso habeen dhaxaysay in meesha laga saaro wixii halbeega u ahaa (qawaanintii dalka oo la burburiyey waxaad mooda arin kale in ay caawisay taaso ah daba cararka dhacdoyinka ay u abuurayso bulshada oo jahwareer ba jahwareer kale usii dhiibayo maalin walba na san qadh tii hore ka wayn dhagahooda ay ku so dhacayso waxaan jecelahay in aan si koob kooban u dul maro talaaboyinka ay xukumadani qaaday taaso iga ah xusuus koobid.
Abwaan hadraawi ayaa gabay uu tiriyay tix ka midi ahayd
Umad yahay tiraa kaa gadmane wax isu gay gayso
si dabin jaaqayga inta itaalkay ah lo fahmo waxaan jecelahay in aan tibaaxo mudadii shanta sano ku dhawayd tubta ay qaaday siyaasada xukumada uu m/waynaha ka yahay Axmed maxamud siilaanyo kuwaaso is maandhaf mug leh ka dhex dhalisay umada reer somaliland
Dhaxal siisayna jahwareer iyo muran aan dhamaad lahayn maah maah somaaliyed ba waxay tidhah daa Hashu maankaygii gadaye ma masaar bay liqday xal la,aanta daba dheeratay ma waxay ka faaiidaysatay bisayl la,aanta siyaasinta mucaarid iyo muxaafid ba ma tiinka siyaasinta ah ee Siilaanyo safka hore so dhigay ayaa ah khuburo xeel dheer ma madaxwayne siilaanyo ayaa boodhka ka tumay ruug cadaa nimo u qarsoonayd ma reer somaliland ba qiyaas xumaystay talaaboyinka ku dhaca leh ee khilaaf san hanaankii guud ee hogaaminta dalka awoodaha intaa leegi ma waxay ku sal leeyihiin faro galino dibada kaga yimi dalkan iyo dadkan waxaan is waydiinaya oo iga suaal ah dalkan maxaa isku hayay ee lagu miisaami karayey dhawr sanaantiisa umad nimadiisa qaranimadisa iyo himilada guud ee dalkani higsanayay hoosu dhaca intaa leeg iyado uu dalka gaadhay maxay umadii lahayd ku dirsoci kari wayday waayaha ku habsaday sidayse ku filaysa maadama ay doorkii xukumadu lahayd kaa yahay waxa kaliya ee ay isku qanci karta in uu noqdo in doorasho xor ah oo xalaal ahi dhacdo 2015ka taaso u noqota makhrijka kaliya ee ay aaayahoda ku badbaadin karan hadii sida la aamin san yahay muxu noqon laha doorka xukumada laga sahamin lahaa jawiga doorasho xor ah oo xalaal ah ay ku qaban karto suaalaha iyo boqolaal kale oo laabtayda hoganaya waxaan u dhaafaya dad waynaha reer somaliland intaa waxaan uga gudbaya talaaboyinkii xukumadan qaaday mudada ay xilka haysay siday u kala horeeyen
3 bilawgii xukumadani waxay golaheedi wasiirada ee u horeyey ka so xulatay meel ka baxsan xaydaabka xisbigii kulmiye ee ku guulaystay doorashada marka laga tago xubno fara ku tiris ah kuna jireen rag haldoor ah oo an tusaale uso qaadan karo eng maxamed xaashi cilmi taaso uu jambiyada u furay xisbigii sideda sano la so halgamayay kuna noqotay taariikhda reer somaliland mucjiso ugub ah intaa waxaa u raacay bur burintii xisbiga kulmiye oo noqotay mid lo kaltirinayay ila maanta taariikhduna ay qori doonto sida ay wax u dhaceen. taasi waxay iftiimaysay in ay ka goan tahay tirtirida hanaankii nidaamka xisbiyada badan arin kani ma qabo inuu yahay mid na farxad galinya hadaanu nahay xisbiyada mucaaridka ah waana guul daro ku timi qaranka somaliland iyo geedi socodkii dimuquraadiyada ba
4 Burburintii awoodi golaha sharci dajinta ee kobad waxay la kawsatay xukumadani isla markana ku tala gal ka lahayd mucaridadii adkay ee xukumadii udub ka hortim ee dhinaca golaha wakiilada in ay burburiso iyado u adeegsatay maqaaro kala jaad jaad ah sida qabiilaysi
kooxaysi iyo aakhiirkii adeegsi maaliyaded oo dhabar jab ku ahaa golayaal la so doortay oo umad codkeedi ku yimi taaso meesha ka saartay isu dheeli tirnaantii awoodaha qaran una sahashay dhabo ay xaska ka gurtay in ay si sahlan isaga qaado
5 Burburintii xisbigii wayna ee udub iyo kala dhantaalkii xisbiga ucid oo ay gacanta ugu wayn ku lahayd
6 Gacan ku dhigida waaxdii garsoorla
7 waxa qodob muhiim ah isna ahaa qaabkay ku bilaabmen wada hadaladii somaliland iyo somaliya kaaso si an lagu hawshoon labada gole ee sharci dajinta mar kaliya loga xalaalaystay in dabarkii somaliland xeerkii tilmaamayay himiladii gooni isu taaga somaliland ee dastuuriga ahayd meesha laga saaro laguna badalo isla fadhi kaliya gudihii
8 Doorkii siyaasadii arimaha dibada ee ku jahays na ka midho dhalinta aqoonsi caalami ah oo qarankani helo oo lagu badashay kaalmo dhaqaale halkaana daboolka lagu saaray dhaqdhaqii citiraaf raadinta
9 Duufaan qabyaaladed oo lagu kala dhan taalayo mdnimada iyo qarannimada somaliland taaso mar ba beel la saarayo culays aan miidan day lahay sida dagaaladii kalshaale miisaankii ku dhacay salal xiligii doorashada deegaanka ka dib ee ay ku naf waayeen kuna dhaawac meen dad aan wax ba galabsan kii saaxiiil oo ahaa mid laga laha in laga fushado dano dhaqaale iyo kuwo qarson oo dareenkoda ay wada qabaan bulshada reer somaliland
karaaysis kii xareeded tii togdheer ee baliga diiriye guuled tii dagmada axmed dhagax ee doorashadii deegaanka ka dib jyo habka ay ula dhaqan tay isku dayo dil oo lagu fulinayay xildhibaano qaran iyo masuulin qaran oo ka dhex dhacay hargaysa
dilalkii ka dhacay berbera oo tira ba dhawr ahaa weerarkii lo gaystay saxaafada xorta ah isla markana sife an waafaqsanayan sharciga abaabada logu xidhay meheradahoodii ee ay ka mid ahaayen Hubaal iyo Haatuf maalmo laga hadlay waxaan ahayn la iska ilaaway is hortaagi xisbiga ucid ee berbera iyo gabiley weerarkii lagu qaaday xisbiga wadani iyo xildhibaanadii qaranka ee xabsiga lo taxaabay faro galintii labada jeer ahayd ee golaha wakiilada taaso loga dan laha dagaal aan sababays nayn oo ay ku muquun sanayso iyado golaha hore ugu guulaysatay in hogaan ay leedahay dhigato
qalalaasaha siyaasaded ee hada ka socda borama oo ka bilaabmay 9kii xildhibaan ee diiday hanaankii faro galinta golaha wakiilada kuwaaso ku talaabsaday door wax ku ool ah oo ahaa badbaadinta qaranimada somaliland maantana sii socoto heer gobolkii awdal oo dhan uu ka taagan yahay qalalaase siyaasaded, lama dambi tiri karo cid gaftay lakiin in gobol dhan iyo dadkii ku dhaqna in asmada inta leeg iyo qori caaradi loola tago , gobolka awdal waxa lagu xasuusta in uu ahaa tiirkii nabadaynta iyo dhismaha qarannimada somaliland, iyado la og yahay baylahda ka taagan goboladii bari maanta may ahayn in daba galiska lo saaro halkii badbaadinta laga filayay hadii xal la rabo gobolka awdal waxa ka so jeeda madaxwayne ku xigeenkii qaran wasiiro iyo golayaashi sharci dajinta waxaa mar kaliya gudaha la dhigay tiro 22 qof oo isugu jira dhalin yar iyo xildhibaano la so doortay oo an sharcigu jidaynayan kuwaaso dhigodii berbera na logu garaacay xarunta dawlada hoose ee berbera ila hadana an wax talaabo ah laga qaadin iyada iyo dhacdadii waftigu u tagay toona waxaan soomalidu waxay tidhaahda mayd maxa u dambeyay iyo kaa la siisido waxaynu wada ogsoonahay musharaxa madaxwaynaha xisbiga ucid oo ka so laabtay socdaal hawled uu ku tagay dalka dibadiisa isla markana xukumad ruqso cad loga qaatay so dhawayntiisa in jidgooyo loga galay madaxtoyda horteeda taaaso ah dariiiq xidhasho siday cadeeyeen ciidamada booliskuna amar lagu sii in aan jidka la mari karin dhalisay na in boolisku gacanta la haab haabta musharaxa madaxwaynaha jamaal cali xusen dhacdadaas oo an ahayn mid la dhayal san karo oo uu xisbigu ka yeelan doona ku talo gal waafaqsan shuruucda dalka waxaan ahayna uu xisbigu aqbali doonin waxaan war murtiyedkaygan ku so gabo gabaynaya baroortu orgiga ka wayn waxa lo bahan yahay talaabo mug leh iyo talo ka timada umada lagagana taliyo samato bixinta iyo badbaadada qaranka somaliland.