Xildhibaan Qabile oo ka soo rogay Maanso labaad BARDUUL MAANSO
Hargeysa Feb 01,2014(SDN)-Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabile, manta oo ay taariikhdu tahey 02/01/2014. Waa maansadii labaad ee uu kaga qayb qaadanayo silsilada garbo diir waana tan hoos ku qoran:-
1. Abaar duug ma reebta ah
2. Duunyadu xumaatiyo
3. Deegaan gabaabsiya
4. Darka ceel ka dheer yahey
5. Dirgan waayey geelii
6. Deylo geeri badisoo
7. Degelada bakhtigu yaal
8. Dadku xagalka daacoo
9. Warwar dacalka saareen
10. Allaa deeqda bixiyee
11. Deydo curashadeedii
12. Onkod diriirig leeyiyo
13. Hilaaca isku soo darey
14. Dalsankii intuu helay
15. Dhulka uu ka simey doog
16. Nimco laga durduurtiyo
17. Degmadu nabad u taaloo
18. Wax dureeya lagu arag
19. Maalkuna u dararoo
20. Laga duugo caanaha
21. Ooy deris wanaagiyo
22. Deganaan ku noolyiin
23. Dadku damasha waaweeyn
24. Ku dingiigsadeenoo
25. Sibraaradu dulsudhanyiin
26. Dermo ciidu tahayoo
27. Ku gam’aan danqaw la’i
28. Oo bahal wax didiyiyo
29. Dugaaguna ka haajirey
30. Daaal tirashadeedaa
31. Sida loogu doogsado
32. Deeleyda socotee
33. Dawankeedu baxayaa
34. Aleylehe digbey tidhi
35. Ninba doorkii ka ciyaar
36. Dabaeylaha cirkee kacey
37. Mid xanbaarsan daaf’iyo
38. Dawo sidadu kala roon
39. Abwaanada dibnaha furey
40. Daajinaaya maansada
41. Sida dirirka cawleed
42. Laagaha durdurayee
43. Dambarsame ku xoogsadey
44. Halka wabigu kaga daro
45. Deymada layaabka leh
46. Ishaa daalka tiratee
47. Anna waxan ku diirsadey
48. Daadihintan quruxdale
49. Danta guud ujeedada
50. Daafaceeda qarannimo
51. Inuu sahanku dooyada
52. Ku degaayo meelwacan
53. Iney dararto maandeeq
54. Ku duwaan hirdoogloo
55. Inta ay ka dideysiyo
56. Dakharada ka bi’iyaan
57. Dani seeto weeyee
58. dhakhso loogu daadego
59. halkey deri ka leedahey
60. inkastoo nin diric yahey
61. diwaanada ku qoranyahey
62. dusha sare markuu koro
63. dadku darajo saaraan
64. caleemaha ku daadshaan
65. ama noqey duq qiimole
66. waayo arag dedaal badan
67. dulqaad iyo hubsiimo leh
68. xogta dabagalkeediyo
69. doorba garashadiisa leh
70. waxa jira dul & hoos
71. xalin kara duruufaha
72. hareeraha ka daah furey
73. ama noqey mid dib’u dhiga
74. ka sii dara wixii hore
75. dadka kala dirkiisyo
76. kala daadsanaan dhala
77. ka habaabsha dawgoo
78. dadeeys ka sii rida
79. anna waxanku daba karey
80. inta aan daluun dheer
81. baadidoonka laga dayin
82. dalandoolka geediga
83. danwadaagtu kala socon
84. duurka aaney kala xulin
85. duufaaanadoo kacey
86. baaqigu is deydayin
87. waxa iga dardaarana
88. dhegahii daloolaa
89. garoo hadalku deeqaa
90. dalqo bahal adoo galey
91. dirqi shaleyto kaga baxey
92. bulshooy raadkii dib u raac
93. halkii lagugu dagi jirey
94. manta waad dul joogtaa
95. taariikhda duuga ah
96. wax diiwaanka kuu gala
97. qarankana difaac u’ah
98. umaddana daryeel ule
99. tabashada daweyn u ah
100. kala duruga nololeed
101. dabaqado ka bi’nkara
102. Deeqaha xafidi kara
103. musuq dabar ka noqon kara
104. sharcigana daliil ku leh
105. maansadan barduul u ah
106. isku duubni dhalin kara
107. maskaxaha u duugoo
108. fariimahana soo dira
109. iney daabaneysiyo
110. iney doogaysaabaa
111. doodu kala dhextaalaa
112. malaa wey ila durugtee
113. waxan hadal ku daayaa
114. nin hayoowba sii daa
115. taladana ku soo durug
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Hargeisa
Somaliland