Xildhibaan Maxmed Omar Geedi:Duqeynta Ciidamada Kiinya waxaa ku dhinta shacab iyo xoolo uun
Muqdisho July 18,2012(SDN)-Xildhibaan Maxamed Cumar Geedi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ka soo jeeda degaanka Gedo ayaa sheegay in Kiinya ay joojiso weerarada duqeynta ah ee ciidamadoodu u geystaan degaanada Koonfurta dalka.
Ciidamada Kiinya ayaa tiraba dhawr jeer duqeymo ay u geysteen degaano hoostaga maamulka Al Shabaab ayaa waxa ku dhintay dad maati ah.
Waxaana u danbeeyay weer dhawaan ay ciidamada Kiinya ku qaadeen Baardheere oo la sheegay in ay 20 ruux oo shicib ahi ku geeriyoodeen.
Xildhibaan Maxamed Cumar Geedi ayaa faray dawlada Kiinya in ay ixtraanto madaxbanaanida Soomaaliya isla markaana ay joojiso faro gelinta ay ku heyso Soomaaliya.
“Mar walba oo ciidamada Kiinya ay duqeeyaan goobaha Shabaabku heysto waxa dhinta shacab iyo xoolahooda,Kiinya waa in ay joojisaa weerarada,”ayuu yiri xildhibaanku.
Kiinya ayaa mar walba dhankeeda ku adkeysata in ay bartilmaansato fadhiisimada Shabaabka.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com