Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Wasaarada Ganacsiga Ku Eedeeyey Inay Soo Tahriibisay Xeerar U Danaynaya Wasiirka Ganacsiga Oo Daaqada Laga Soo Geliyay Golaha Wakiilada DAAWO
Hargaysa 10. April 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland isla markaana ku abtirsada Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay dabada ka riixayso Xeerka Qabyo qoraalka Shirkadaha.
“ Waa Ay Dhici Kartaa In Mashruuc Sharci Laga Keeno Arin hore u jirtay laakiin xeerka iyo dastuurku wuxuu inoo jidaynayaa wax ka bedel,waayo wax ka bedel ayaa lagu samaynayaa xeerkii hore u jiray wixii cilado ah ee uu leeyahay,wixii korodhsiimo iyo qabyo ah ee uu leeyahay ayaa dhamaystir loo sameeyaa,amadman baa la dhahaa iyagoo isku lifaaqan qodobadii wax laga bedelay iyo xeerkii oo dhan baa golaha dabadeed la keenaa”
Waxaa nasiib daro ah oo Maalmahan Golaha naloogu keenay oo xukuumadu dabada ka riixaysaa xeer ay u bixiyeen xeerka qabyoqoraalka Shirkadaha” Sidaa waxaa Yidhi Qareen Maxamed Jaamac Axmed .