Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ku sababeeyey Xil ka qaadistiisii mid la Xidhiidha Musuq Maasuq ka Jira Golaha Wakiiladda oo ay Warbixin ka diyaariyeen DAAWO
Hargaysa 20.March 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama Oo ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ugu Baaqay Shirgudoonka Golahaasi inay iska Casilaan Xilalka ay aqalkaasi ka hayaan,Isagoo sheegay inay ku talaabsadeen Musuq Maasuq iyo Wax is daba marin.
Hadalka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama ayaa ka danbeeyay kadib Markii laga qaaday Xilkii Gudoomiyaha Gudida ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiiladda isla markaana lagu daray gudida arrimaha dibada ee golaha wakiiladda oo uu ka noqon doono Xubin.