|

Xildhibaan Maxamed Cali oo Beeniyay Eedaymo Musuq maasuq oo Loo Jeediyay

xilXildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa beeniyay eedaymo musuq maasuq oo hore loogu soo jeediyay, war qoraal ah oo uu maaanta soo saaray ayaa u dhignaa sidan.

Ku: Saxaafada Madaxa Banaan iyo Ta Dawliga ahba

Ujeedo: Beenin warar Been abuur ah (War Saxafadeed )

Anigoo ah Xildhibaan Mohamed Ali Hersi ahna  gudoomiyaha gudidda ilaalinta iyo Dabagalka Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada JSL  waxaan halkan ka cadaynayaa si adagna u beeninayaa warar maalmahan ku soo baxay qaar ka mida saxaafada somaliland.

Waxaan bulshada  u Cadaynayaa in aanay Marnaba iga suurta galin

in aan ku lug yeesho laaluush oo aan waydiisto masuul qaran haday tahay mid degmo, Gobol iyo mid Hay’adeedba.Mana jirto LAALUUSH  iga soo gaadhay iyo sabab aan uga qaatoba Duqa ay saxaafadu xustay.Waxay soomaliladu ku maahmaahdaa qudhaanjoy ku quuso oo aan uga jeedo  in duqa berbera isaga laftigiisu cadeeyey in aanay marnaba na dhex marin wax u muuqda laalush iyo wax isdaba marin.

Waxaan saxaafada madaxbanaan oo aan ixtiraam badan u hayo u soo jeedinayaa in marka ay ku dhexjiraan baadhitaano wareed siiba musuq-maasaqa ay hubsiimo ku daraan oo ay iska ilaaliyaan Wararka aan la hubin ee ah “ waxaa lasheegaayey”.

 

Arintan wuxuun baan u arkaa inay alifeen dad siyaasad ku lug leh oo ay damaqday ilaalinta iyo dabagalka aanu hantida qaranka ku hayno, waxaanan u sheegaynaa inaanay waxba u dhimi doonin shaqada aan qaranka u hayo.

 

Mar labaaadna waxaan si adag Bulshada ugu cadaynayaa in aan ahay  mudane ku astaysan in aan ladagaalamo Musuqmaasaqa iyo Laaluushka igamana suurowdo inaan shaadhkayga cad wasakh Mariyo.

Alla Mahad leh

,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Xildhibaan  Maxamed Cali Xirsi

Gudoomiyaha Gudidda Dabagalka iyo ilaalinta

Hantida Qaranka Golaha Wakiilada

 

Comments are closed