|

Xildhibaan Mataan Hoori Oo Xukuumada Iyo Xisbigeeda Kulmiye Dusha U Saaray Colaada Ceel Af-weyn Muxuuse ka Yidhi Habacsanaanta Golaha Wakiiladda? DAAWO

Hargaysa 28. July 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Mataan Hoori ayaa sidoo kale sheegay in xisbigoodu diyaar u yahay doorashada madaxtooyada somaliland ee la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo.

Ugu horayn xildhibaan Mataan oo ka hadlaya colaada degmada ceel Af-weyn ayaa waxa uu yidhi “Maanta in la yidhaa xabad ayaa socota oo umad ayaa isku dhimanaysa waa in sabab laga dhigto ayaan arintaas u tuhmayaa laakiin dadkii  ayaa hadana sheegaya cida dabka dhex dhigaysa kana xun yihiin waxa dhacay.”ayuu yidhi Xildhibaan Mataan oo la hadlay HCTV.

Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddani diyaar u yahay doorashada madaxtooyada “Doorashada sidee ayaanaan diyaar ugu ahayn, anagu madaxweynihii ma nihin laakiin waxaanu nahay  xisbi is huba oo bari iyo galbeed iyo meel walba  muujiyey inuu kaga awood badan yahay Kulmiye dadkuna ay arkayaan inuu diyaar u yahay inuu maamulka qabto oo uu intaas u halgamayo doorasho ma rabo sabab loo yidhaa ma garanayo.”

Sidoo kale xildhibaan Mataan ayaa gudoomiyaha golaha wakiilada ku taageeray qaabka uu u soo hogaaminayey xildhibaanada, waxaanu sheegay in cida golahaasi fadhiidka ka dhigtay ay tahay xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye waxaanu yidhi “Gudoomiyahan lagu eedaynayo gole ayuu madax ka yahay, golihii kulmiye ayaa urursaday lacagna ku iibsaday isaga ayaana mar kasta tirada badan ee xildhibaanada haysta, mar kasta dad la iibsanayaa fadhiidnimo ma dafiri karaan, siyaasada guud ee dawlada oo is badasha mooyaane golahaas aan ka midka ahay rajo macno leh oo laga qabaa ma jirto, gudoomiyuhuna waxba kama qaban karo, waxaanu sharaf, amaan iyo qiime ku leeyahay in golaha noocaas ah uu maamulo oo uu isku hayo, arintaasina karti la yaab leh oo uu muujiyey ayey noqonaysaa, ninka golaha noocaas ah isku hayey ee intaas madax u ahaa iskuna ilaalinayey inaan la kala yaacin umadana inuu isku ilaalin karayo ayaan qabaa.”ayuu yidhi Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori Mataan.

Comments are closed