Xildhibaan ku dhaliilay Dawlada Hoose ee Hargaysa qaabka ay u Maarayso hawlaha Qashin Gurka (DHAGAYSO)
Hargaysa 07.March 2014 (SDN)-Xil. Siciid Maxamed Libaaxo ayaa si weyn ugu dhaliilay Dawladaha Hoose inay gabeen shaqadii Nadaafadda,isaga oo Bulashadana usoo jeediyay inay iyagu Xashiishkan meel walba daadsan ay iska hagaajiyaan.waxa kale oo uu Xildhibaanku farta ku fiiqay in inta aynu ka xaragoonayno Xashiishka ee aynu dad ajnabi ah u dirayno aanay suuragal ahayn in aynu guul ka gaadhno baabi’nta Xashiishka.
Dhinaca kale waxa uu Md. Libaaxo usoo jeediyay World Bank iyo Haaya’daha kale ee Dawladda Mashaariicda Horumarineed kacanta ka siiya inay wax la qabtaan shirkadaha yar yar ee ka shaqeeya hoos u dhigidda waxyeeladda Deegaanka.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Xildhibaanka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Libaaxo.mp3″]
Halkan ka dhegayso hadalkii Xildhibaanka oo dhamaystiran.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com