|

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland oo aas Qaran maanta Hargaysa loogu sameeyay & Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo ka hadlay

Hargaysa 17.April (SDN)    Waxa Aas Qaran maanta  Magaalada Hargeysa Loogu sameeyey marxuum Cabdilaahi  sh.Xasan Cismaan, oo Ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Guurtida JSLand,kaas oo habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Aaska Mar-xuumka oo ka dhacay xabaalaha  sh.Muuse Ducaale ee magaalada Hargeysa,ayaa waxa ka soo qayb galay  shir-gudoonka Golaha Guurtida,xildhibaanada Golayaasha Qaranka, Mayirka Caasimmada,masuuliyiin ka socday  xisbiyada  iyo dadweyne tiro badan.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mud,Saleebaan Maxamuud aadan,ayaa mar-xuumka ku tilmaamay inuu ahaam, shakh-siyad wanaagsan oo karti badan, waxaanuu ka tac-siyadeeyey Qayskii uu kabaxay iyo Qaranka Somaliland   inuu ilaahay Samir iyo Iimaan ka siiyo isna janadiisa ka waraabiyo.

Mar-xuumka ayaa waxa uu ahaan jiray GUDOOMIYAHA Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtida Somaliland. Waxaanuu marxuumku door-weyn ka  soo qaatay  dedaaladii nabadaynta iyo dib-u-dhiska somaaliland.

Rabi ha u naxariistee Marxuun C.laahi Sh.Xasan Cismaan oo ahaa Gudoomiyihii Gudida Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Guurtida ayaa Noqonaya Mudanihii Sadexaad ee bishan April ka baxa Golaha Guurtida.

Inaa Lilaahi Wa Inaa ilayhi Raajicuun.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed