|

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Ku Eedeeyay Colaadaha Ka Socda Gobolka Sool DAAWO

Hargaysa 11. April 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ku eedeeyay inuu ka danbeeyay dagaal kii shalay laba beelood ku dhex maray deegaanka Laascaanood

Shan qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal shalay subax laba beelood oo isku deegaan ah ku dhexmaray tuullada Qudhac-makhsin oo koonfur ka xigta magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

labadan ardaa ee Qayaad iyo Bahararsame ay ku dirireen deegaanka Qudhac-makhsin oo ku taalla jiida u dhaxaysa Dhummey iyo Saax-dheer, halkaasi oo roob bulshada reer guuraaga ahi iskugu yimmaadeen ka da’ay maalmihii la soo dhaafay.

Comments are closed