|

Xildhibaan ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimada oo dil Toogasho ah lagu Xukumay

Hargaysa 09.Dec 2013 (SDN)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Dil ku xukuntay Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir, kaasoo hore u dilay nin ay saaxiibo ahaayeen goor habeenimo ahayd.

Maxkamada HargaysaXildhibaan Mustafe Cismaan Daahir waxa saaka la hor keenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa taasoo soo gabagabaysay dhagaysiga Dacwadiisa oo in muddo ah socotay, waxaanay maanta ku dhawaaqday xukun Dil ah, kaasoo ay u cuskatay Xeerka Ciqaabta Guud iyo shareecadda Islaamka.

Mustafe Cismaan Daahir oo ahaa Xildhibaan Golaha Deegaanka ah oo in badan xukunkiisa la sugayey waxa lagu wadaa in uu jagadiisii buuxiyo xildhibaankii ku xigay oo ka dhur sugayey Xukunkan isla markaana dood badan oo dhinaca sharciga ahi ka hor taagnayd in uu kursigiisa buuxiyo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed