Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Waalidiinta Soomaaliyeed Canada ku nool uga digay in caruurtooda ay Masaajida keligood u diraan
Toronto Nov 25,2013(SDN)-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo booqanaya dalkan Canada ayaa digniin culus u soo jeediyay Waadlidiinta Soomaaliyeed ee dalkan ku korsanaya ubadka.
Cabdiraxmaan Aadan Ibrahim oo imaantinkiisa Canada ku weheliyay xildhibaan dhawaan Soomaaliya ku soo dhaawacmay ayaa saxaafada u waramay.
Xildhibaanka oo haatan ka mid ah Guddida arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee Canada ku koray ay ku biireen kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab.
“Waxaan oron lahaa waa in reer Canada ay aad uga feejignaadaan in ay caruurtooda in ay ka habowdo,waxaa laga yaabaa in lagu yiraahdo Jihaad tag oo marka danbana Bartanka Toronto ku Jihaado”ayuu yiri Cabdiraxmaan Aadan Ibrahim.
“maxaa diidaya? waa isku mid. Sababta oo ah waxaa loo sheega waa in aad la dagaalantaan gaalada,maxaa ka hortaagan in ay gaalada Toronto,Montreal ama Ottawa? Ma dooneyno in wixii Westgate ka dhacay oo kale”ayuu mar kale yiri Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim.
Waxa kale oo uu Cabdiraxmaan yiri waa in waalidku ubedkooda u raacaan goobaha cibaada si aan maskaxda looga xadin.
“waxa aan leeyahay cariirtaada u raac salaada si aaney fursad ugu helin imaamyada taas oo muhiim ah,hadii sidaa la yeelo waxaa hoos u dhac ilaa 75% khatarta”ayuu yiri Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim.
Masuulkan ayaa u waramayay jariirada National Post oo Canada ka soo baxda,hadaladiisuna waxa ay ahaayeen mid dadku aad isu weydiinayeen waxa qaaday.
SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com