|

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka GalMudug Oo Gaalkacyo Lagu Dhaawacay iyo Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay

Gaalkacyo,4Dec,2015(QJ/SDN)-Weerar hubeysan oo xilligii Salaadda Jimcaha ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa lagu qaaday gawaadhi ay la socdeen dad ka soo jeeda Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, iyadoona uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil (Calool-geel) oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ganacsade Daahir Godo Godo (Daahir Aqwaan) iyo Nabadoon Muxudiin Sheekh Xuseen, oo ka soo amba baxay Garoonka Gaalkacyo, kuna sii jeeday Koonfurta Gaalkacyo, ayaa wadada loo galay.

Weerarkaasi, ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Daahir Godo Godo, halka ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen Xildhibaan Calool-geel iyo Nabadoon Muxudiin Sheekh Xuseen.

Xubnahaan, ayaa qayb ka ahaa dadaalada xalka loogu raadinaayo dagaalka Gaalkacyo, waxaana la weeraray, xilli loo soo diray in ay ka qayb qaataan dadaalada furinta dagaalka looga qaadaayo Ciidanka Galmudug.

Madaxda Galmudug, Puntland iyo wefdigii Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo shir uu kaga soconaayo Garoonka Gaalkacyo, ayay layaab ku noqotay weerarkaasi, iyadoo aanay kala cadayn cidda dhabta ihi ee ka masuulka ah weerarkaasi.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in shaki laga qabo in gacan saddexaad ay weerarkaasi ka dambeysay.

 

Comments are closed