|

Xildhibaan Ka Digay In Wada-hadallada Khaatumo Laga Soo Saarin Go’aamo Waxyeelo Ku Ah Somaliland

Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Qaabka Warbaahintu u tabiso Wada-hadallada u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Wada-hadallada socdaa ay u dhexeeyaan Dawladda Somaliland iyo qayb ka mid ah Beelaha Somaliland dega oo Saluugsan Saamiga ay ku leeyihiin Xukuumadda, sidaa darteed aan loo baahnayn in laga dhigo inay wada-hadlayaan laba Maamul oo siman, waxaanu yidhi “Waxa khalad ah la yidhaahdo Somaliland iyo Maamulka Khaatumo, Waayo? marka sidaa la leeyahay waxa la moodaa laba Dawladood, laakiin Khaatumo waa Somaliland, ee Maaha Dawlad kale, laakiin Qayb ka mid ah Somaliland ayuun baa Qawadsan Saamiga ay ku leedahay Dawladda oo doonaysa inay ka hesho Saami wanaagsan, Arrinkuna maaha Khaatumo iyo Somaliland ee waa Somaliland oo ka wada hadlaysa Khilaaf dhexdeeda ah.”

 

Xildhibaanku wuxuu ku taliyey in Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo ee ka socda Jabuuti aan laga soo saarin wax dhibaato ku ah Somaliland “Waxaan soo jeedinayaa inaan Heshiiska Khaatumo lagu dhamaynin wax Somaliland turxaan ku noqonaya.” Ayuu yidhi

Comments are closed