|

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Su’aalo Warbaahinta u Mariyay Wasiirka Madaxtooyada iyo Baaq uu u diray Shirgudoonka (DHAGAYSO)

Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN)- Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa saxaafadda u akhriyey su’aalo  uu la damacsanayaa wasiirka wasaaradda Madaxtooyada somaliland oo uu sheegay inuu  u waayey wakhti uu ku waydiiyo ka markii wasiirku kulanka ka soo xaadiray xilli aad  udambeeya.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi BuubaaWasiir xirsi oo maanta mar labaad toddobaad gudihii hor yimi golaha wakiillada ayaa uu xildhibaan Buubaa sheegay innuu fursad uu su’aalahan ku weydiiyo u waayey taasina ay sababtay inuu saxaafadda u mariyo si bulshadu u ogaato su’aalaha dul hoganaya Xeer cusub oo ku saabsan cashuur badan  oo xoolaha lagu kordhiyey si wax  looga qabto dayaca waddooyinka, lacagta cashuurtaas la kordhiyey oo la siin doono Wasaaradda maddaxtooyada oo hay’adda waddooyyinku hoostagto,

Xildhibaan Buubaa ayaa ka mid  xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedda xeerkan, waxana maanta aan u suurto gelin inuu wasiirka xeerkan wata weydiiyo su’aalo badan oo uuu xeerkan ka qabo.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalkii Xildhibaan Ibraahin Buuba
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/HilBuuba9.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed