Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ay Jidh dil u gaysteen Ciidamo ka Tirsan Ismaamulka Somalida Itoobiya
Wajaale 04.June 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiiilada Somaliland islamarkaana ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo shalay u kicitay Wadanka Itoobiya ayaa la sheegay inay garaacis iyo jidh dil ay u gaysteen Ciidan Itoobiyaan ah oo ka hawlgala tuulada Haroorayska loo yaqaan oo gudaha Itoobiya ku taaalla oo u dhaxaysa Magaalooyinka Wajaale iyo Jigjiga, Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Sida ay noo xaqiijiyeen Dad ku sugan Magaalada Wajaale oo xildhibaanku sii maray, Waxa Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa si foolxun u fatashay Ciidan Itoobiyaan ah oo ka hawlgala Kaantarool ku yaala Tuulada Haroorayska loo yaqaan oo qiyaastii ku taala meel udhexaysa Magaalada Wajaale iyo Jigjiga. Waxa ay noo xaqiijiyeen sidoo kale In Xildhibaanka ay kula kaceen ciidankaasi Jidh dil iyo garaacis ay si foolxun ugu garaaceen meel shaarac ah oo rakaabkii la socday ay daawanayeen,waxa ay la dhaceen qoriga dabadiisa iyo budhadh ay ciidankaasi u adeegsadaan dadka socdaalka ah ee iskaga kala goosha Itoobiya Iyo Somaliland balse lama sheegin dhaawacyada loo gaystay inta uu leeg yahay,waxa kale oo ay noo sheegeen in markii dambe ay ciidankaasi u qaadeen Xildhibaanka Dhinaca Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Shacabka reer Wajaale ee Daanta Somaliland ayaa la sheegay in markii ay maqleen arintaasi foosha Xun ee loo gaystay Xildhibaan Buubaa ay aad uga cadhoodeen islamarkaana ay isku dayeen inay sameeyaan Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Dhibaatada iyo Handadaada ay Ciidanka Itoobiya mudooyinkan dambe kula kacaan Masuuliyiinta Qaranka Somaliland. Lama Garanayo Sababta Ciidankaasi dhibta intaasi leeg ugu gaysteen Xildhibaanka balse sida ay noo sheegeen mar aanu wax ka Weydiinay Dad ku sugan Magaalada Wajaale,waa caado lagu yaqaan ciidanka Itoobiya ee ka hawlgala goobaha kaantaroolada ah ee dadka masaafurka ahi marayaan inay handadaad iyo fatashaado xun ka gaystaan,waxaana dhawr jeer oo hore dhacday in masuuliyiin maamuusleh oo reer Somaliland ah oo sharciga dal ku galku u dhan yahay ay ciidanka Itoobiya dhibaatooyin sidan ka xun u gaystaan halka masuuliyiinta Itoobiya ee u soo talaabaya dhinaca Somaliland si weyn sharaftooda loogu ilaaliyo ee aan wax xagtin ah loo gaysan islamarkaana loo fududeeyo waxa ay doonayaa iyo danaha kaga soo xidhma dhinaca Somaliland.
Xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeyay ayaa sii xumaanaya waxaanay maraysaa in ay gaadho in ixtiraamkii loo fidin jiray masuuliyiinta Qaranku halkaasi ay gaadho oo sharaftooda meel lagaga dhaco. Warar Xalay mar dambe nasoo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Xildhibaan Buubaa gaadhay Caasimada Itoobiya halkaasi oo uu safarkiisu ku ekaa balse waxaana la noo raacin dhabarada iyo dhaawacyada ka soo gaadhay handadaada ay ciidankaasi Itoobiyaanka ahi ugu gaysteen inta ay leeg yihiin,dhawr jeer oo aanu Xalay isku daynay inaanu Xildhibaanka wax ka Weydiino isagoo ku sugan Adisababa ayaanay noo suurta galin kadib markii uu noo xidhiidhsami way Khadka Telefanka ee Itoobiya. Shacabka labada dal isaga goosha ayaa ka cawda ciidamada laanta Socdaalka Kililka shanaad oo si arxan darro ah mar walba dadkaasi ula dhaqma.
Xigasho Wargayska Foore