Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Soo Jeedisay In Baarlamaanka Somalia Loo Sameeyo Muddo-kordhin
Muqdisho:Jully,21,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Foosiya Yuusuf Aadan oo katirsan Baarlamaanka Federal-ka Somalia, ayaa soo jeedisay in muddo-kordhin loo sameeyo Baarlamaanka Xilligan jira, waxana ay xustay in muddada haatan uu Baarlamaanku Haysto aanay ku diyaarin karin shuruudaha badan ee looga baahan yahay in dalka doorashooyin laga qabto.
Iyadoo u waramaysay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho Foosiya waxa ay sheegtay waqtiga oo aad u yar iyo shuruucda doorashooyinka dalka oo aanan diyaarsaneyn inay muhiim tahay in waqti kordhin loo sameeyo Baarlamaanka dalka si shuruucda doorashooyinka loo diyaariyo.
Waxa ay tilmaamtay in lix bilood ama sanad ay haboon tahay in loo kordhiyo Baarlamaanka si la isku waafajiyo shaqooyinka hadhsan iyo waqtiga, kadibna la diyaariyo habkii doorashada dalka ay u dhici laheyd.
“Laakiin Baarlamaanka lix bilood ama 12 bilood xitaa ha noqoto waa in la siiyaa Baarlamaanka saddex sano ayuu soo shaqeeyay, wuxuu yaqaanaa shuruucda sida loo diyaariyaa waxa ay u baahan yihiin inaan la kala daadin oo aan la tuuryeyn si aanu dalka oo dhan dib u dhac ugu imaan waa in muddo yar la siiyaa Baarlamaanka oo loo kordhiya oo aan loo arkin in xil doon ama kursi jaceyl aanay aheyn, laakiin dalka ayaa bur buraya si wanaagsan loo diyaariyo shuruucda looga baahan yahay in doorasho lagu sameeyo.” Ayeey tidhi Xildhibaanad Foosiya.
Hadalka Xildhibaan Fowsiya wuxuu ifinaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay qorsheynayaan inay waqti kordhin sameystaan marka la gaadho xilliga Dowladda Xasan Sheekh ay ku eeg tahay.
Hadii Baarlamaanka waqti kordhin sameysto, taasi macnaheeda waxa ay tahay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud loo sameynaayo waqti kordhin in tallada dalka uu sii maamulaayo, xilli Madaxweynaha uu hore u caddeeyay in qorshaha Dowladiisa aanay aheyn inay waqtiga korarsato.
Sanadka 2016-ka Badhtamihiisa ayey ku eegtahay waqtiga Dowladda hada jirta, waxaana ka dhiman ku dhawaad sanad, taasi oo suuragelin karta in lagu diyaariyo shuruucda doorashooyinka dalka iyo waxyaabaha kale ee Saldhiga u ah Doorashada, sida Dastuurka oo afti loo qaado, balse Dowladda Xasan Sheekh ayaa ka gaabinaysaya howlahaasi oo dhan si ay ugu suuragasho waqti kordhinta.
SDN/QJ