|

Xildhibaan Foosiya Yuusuf X. Aadan oo Soomaaliya ka furtay Xisbi Urur -nimadiisii Somaliland uga shaqayn waayey

Muqdisho 04 Oct  2015 (SDN/QJ):- Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa dorraad magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday Xisbi ay magaciisa ku sheegtay NDP, oo afar sannadood ka hor ay kaga dhawaaqday magaalada Hargeysa.

XILDHIBAAN-FOOSIYA-YUUSUF-XAAJI-AADAN-300x225Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ahaydna Raysal-wasaare Ku-xigeenka Xukuumaddii Saacid, immikana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Foosiya Yuusuf X. Adan oo Khamiistii ka hadashay Xaflad ay ku shaacinaysay Xisbigeeda NDP oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxay sharraxday ujeeddada Xisbigan ay u fureen iyada iyo cidda ku wehelisa iyo waxa ay mabaaddi’diisu u taagan yihiin.

 

“Waxaynu isugu nimi Xafladda daafurka Ururkan ama Xisbiga NDP, oo ah Xisbi ku soo kordhay Axsaabta ka jirta dalka. Xisbigani waxa uu xambaarsan yahay farriin ah in dalkani gaadho nabad, dimuquraaddiyad, Midnimo iyo horumar, kuna gaadho wakhtiga ugu dhakhso badan ee suurtagal ah.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

 

Waxay Xildhibaan Foosiya oo ka hadlaysa sababaha loo aasaasay Xisbigan ay tidhi; “Waxa aasaasay dad Soomaaliyeed oo ka damqaday xasillooni-la’aanta, nabadgelyo-xumada iyo dib-u-dhaca horumar la’aanta dalkeenna hooyo.”

 

XILDHIBAAN-FOOSIYA-300x225Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa 12 December, 2011, Munaasibad ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween, ayaa lagu furay Urur-siyaasadeedkan cusub oo la magacbaxay Ururka Nabadda, Dimuquraadiyadda iyo Barwaaqadda Somaliland loona soo gaabiyey (NDP). Hase-yeeshee, Urur-siyaasadeedkaas markii badhtamaha 2012-kii la kala reebayey Ururradii Siyaasadeed ee Somaliland laga dhisay wakhtigaas, waxa uu Ururkeedu ka mid noqday kuwii aan u soo u soo gudbin Ururradii doorashada ku tartamay ee waxa uu ka mid noqday kuwii qiimaynta lagu reebay.

 

Foosiya Yuusuf X. Aadan Qabile, oo munaasibad ay ku qabatay huteel shiraaqle ay kaga hadlaysay ujeedada ururkan loo aasaasay, waxay tidhi; “Ururkan oo sida fariin ah Nabad, Caddaalad, Dimuquraaddiyad, Horumar iyo Barwaaqo wuxuu leeyahay astaan iyo dastuur si wanaagsan looga soo shaqeeyey, kaasoo haddii uu guulaysto horumar iyo sinnaan u horseedaya dadka iyo dalkaba.”

 

Guddoomiyaha Ururka NDP Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan waxay sheegtay, in mabaaddiida Ururkani yihiin Diinta Islaamka iyo Dhaqanka suubban ee Somaliland, isla markaana horumar balaadhan ka samayn doonto waxbarashadda Somaliland, shaqo abuur iyo Weshado badan oo dalka laga hirgaliyo.

Comments are closed