|

Xildhibaan Cawad Xasharo:Jabuuti waa in ay soo celisaa qalaka Ciidamada Yurub ka dhacday Soomaalida

Muqdisho Dec 28,2011(qurbejoog.com)-Xilbaan Cawad Xasharo oo ah madaxa guddida warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta baaq u diray Jamhuuriyada Jabuuti oo uu sheegay in ay qaadatay ay Soomaaliya leedahay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay taageerayaan hawgalada ciidamada ilaalada ka haya badaha Soomaalida,balse ay doonayaan hantida Soomaalida laga shakiyo ee la qabto in Soomaalida loo soo celiyo.

Ciidamada Badda ee Nato ayaa qalabka iyo doonyaha ay ka ururiyaan Soomaalida looga shakiyo burcad-badeednimada waxa qaata dawlada Jabuuti.

Horoontii bishana ciidamada Nato ee ka hawlgala badaha Soomaaliya ayaa ciidamada Jabuuti ku wareejiyay qalab laga soo furay doonyo Soomaaliyeed.

Xildhibaan xasharo ayaa baaq u diray taliyaha ciidamada Badda ee Jabuuti Col Cabdiraxmaan Aadan.

“Jabuuti waa in ay soo celisaa qalabka iyo doonyaha ay ka guddoontay ciidamada Badda ee reer Galbeedka” ayuu yiri casharo.

Xildhibaan Xasharo ayaa sidoo kale faray wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya in uu arrintan kala hadlo dhigiisa Jabuuti.

Hadalkan ka soo yeedhay xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya xili dawlada Jabuuti ay todobaadkii hore ciidamadeeda u soo dirtay dalka Soomaaliya.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed