|

Xildhibaan Cali-barre Oo Hanti-lunsi Ku Eedeeyey Wasiir Buureed, Kana Hadlay Safarka Suldaan Siciid Ku Joogo Garowe

Hargeysa:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cali-barre oo katirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta markale jawaab kulul Ka Bixiyey Hadallo kasoo yeedhay Wasiirka Kalluumaysiga  Cali Jaamac Buureed, kuwaas oo salka ku hayey Shirkii lagu soo gebogebeeyey Deegaanka Xiingalool ee Gobolka Sanaag.

CALI BAREXildhibaan Cali-barre, ayaa sidoo kale jawaabo ka bixiyey eedo wasiirka masuuliyiin xildhibaanku ka mid  yahay uu ugu jeediyey waxtar darro iyo fidno iyo xukuumadda iyo deegaanka ka dhex wadaan.

Xildhibaanku waxa uu sheegay, “Waxan doonayaa inaan ka waabo eedo kasoo yeedhay wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda  oo salka ku haya Shir-dhaqameed xiin-galool lagu qabtay oo beri hore dhamaaday, markii uu  socdayn uu wasiirku joogay magaalada Dhahar oo xaaskiisu deggen yahay, halkaas oo uu dhuumasho ku tegay dhuumashana kaga yimi. Illaa maalintaana waxa uu ku riyoonayaa shirkii xiin-galool, shirkaasina waxa uu ahaa shir dhaqan oo khilaafaadka Gudaha  lagu dhamaynayey oo suldaanka guud u qabtay.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhiibaan Cali Barre waxa uu sheegay inuu yahay qof qaddiyada Somaliland dhiiggiisa raacday oo muddo dheer Somaliland xiddidda ku aastay, waxana uu yidhi,

“anigu Somaliland muddo 220-sano ah ayaan xildhibaan ka ahaa, mabda’ayguna waa kaas, Haddii aanan Mabda’ lahayn waxa la igu arki lahaa meelo badan sida cali oo kale, masuuliyiinta kale oo uu cambaaraynayana waa rag aniga ila mid ah sida cadami oo kale marbaana aanu halkan wada Nimi, waxana aan leeyahay anigu isma bedbeddelno caliyow sidaada, bustena saari mayno wax qaranimada Somaliland kasoo horjeeda.”

Xildhibaan Cali-barre waxa uu sheegay in eedaha soo noqnoqday ee Wasiir Buureed ay yihiin qaar wax lagu qarinayo oo hadoodilan, isagoo taasna ku sheegay inaanay Somaliland Gudaheeda ka soconayn,

“Odaygu waxa uu nagu galay oo la qaylinayo sidii uu Bahal qaniinay wax buu ku qarinayaa, waxana uu qarinayaa laba Masalo oo kala ah Somaliland beenta lagama yaqaan oo cidda sheegtaa waa fashilantaa, odayguna been badan buu sheegay beenaha uu sheegayna waxa kamid ah isaga oo halkaas ka tegay oo aan meel kale marin oo gurigiisii dhahar galay ayaa waxa ugu yimi waftigii Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ilmaadeer yihiin, waxana soo galay Ciiddii ramadaan, isaguna uma soo bixin oo Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland, meel kale oo uu tegayna ma jirin.” Ayuu xildhibaanku sheegay.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Somaliland Gudaheeda ciddii is tidhaahda Been ku macaash  ama been kursi ku doono ama been mashruuc ku qaado way fashilantaa.”

Mudane Cali Barre waxa uu saxaafadda usoo bandhigay waraaqo caddamaymo ah oo  ay Waxgaradka iyo Cuqaasha deegaannada Ceelaayo iyo Laasqoray oo ay weheliyaan Iskaashatooyinka Kalluumaysigu kaga cabanayaa lunsi Matoorro iyo shabaagta kalluumaysiga oo deegaannadaas laga Lunsaday, waxana  waraaqdaas ku cad in deeqdaas oo wasaaradda Maaliyadu deegaanadaas u iibisay uu wasiirka Kalluumaysigu lunsaday.

Warqadda uu xildhibaanku saxaafadda usoo bandhigay ayaa waxa ku saxeexan waxgarad iyo iskaashatada kalluumaysiga, waxana ay cabashadooda si toos ugu gudbiyeen madaxweynaha Somaliland, balse ilaa iyo haatan lama hayo wax jawaab ah oo uu madaxweynuhu kaga jawaabay cabashashadaas.

Xildhibaanku waxa uu tilmaanay Hanti-lunsigaas lagu eedaynayo wasiirka Kalluumaysiga, isagoo u soo jeediyey inuu ka galgasho eedaha loogu soo jeedinayo Hantidii loogu dhiibay Kalluumaysatada deeganadaas deggen.

Dhinaca kale oo uu Mudane Cali Barre ka Hadlay Tegaanka Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli oo dhawaan isaga iyo wafti uu hoggaaminayaa ay gaadheen Magaalada Garowe, waxana uu ku adkaystay in socdaalka suldaanku salka ku hayo arrimo dhaqan oo aanay wax siyaasad ahi ku dhex jirin,

“Waxa la sheegayaa in suldaankii Guud iyo Cuqaal la socdaa ay tageen garowe, laakiin tegitaanka Suldaanka iyo shirka Xiingalool wax is khuseeya ma aha, isaguna waa Suldaankii Guud Meelo Badan baana dadka uu suldaanka u yahay ay degaan, meelkasta oo dadkiisu joogana waa tegi karaa oo qaab dhaqan buu ku tegi karaa, haddiise uu qaab siyaasadeed ku tago waa qalad, haddii uu siyaasad u shaqaynayana waa inuu midda Somaliland ku shaqeeyaa.” Ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey Xildhibaan Cali-barre.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed