Xildhibaan Cago-yare oo Xafiiska Maayarka Caasimadda Dhexdiisa ku Qaraacay Guddoomiyaha Degmada G/libaax
Hargeysa:14-Aug-2013(SDN) Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) oo ah Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyadda Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, ayaa maalintii shalay Maayarka Caasimadda xafiiskiisa dhexdiisa Feedh iyo Laad ku Hirgisay Guddoomiyaha Degmadda Gacan Libaax Subeer Salaan Maxamed.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay qof ka shaqeeya guddida Nabadgelyada Degmadda Gacan Libaax taasoo uu doonay in uu Xildhibaanku qof kale ku bedelo balse Guddoomiyaha degmaddu ku dooday talaabadaasi in ay ka hor imanayso Xeerka Ismaamulka Goboladda iyo Degmooyinka Xeer No: 17, taas oo keentay Guddoomiyaha uu halkaa ku qabsado Dagaal waxash-nimo ah oo aanu filaynini.
Dooda dhex martay Xildhibaanka iyo Guddoomiyaha ayaa la sheegay markii ay isku af-garan waayeen in uu u soo dacwad tagay Maayarka Caasimadda oo ay markaas Xafiiskiisa ay ku sugnaayeen Xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha Deegaanka, isla markii uu cabashadiisa u gudbiyay Maayarka ee uu weydiiyay sida la isku waafajinayo Xeerka iyo qorshaha Xildhibaan Cagayare ayuu Xildhibaan Cagayare Warqadii inta uu ka qaaday Maayarka isagoo hadalo deel-qaaf ah maayarka u jeediyay warqadii inta uu afka kaga dhuftay Guddoomiyaha hadana Feedh iyo Haraati isugu daray isagoo dhaawacyo soo gaadhsiiyay.
Dad looga qaateen ah oo markii arrintani dhacaysay Goob-joog ahaa ayaa Noo sheegay in markii dhadadani dhacaysay uu maayarku Goob-joog ahaa, isalmarkaana ay arrimahan Dagaalka iyo Gacan-ka-hadalka ahi yihiin kuwo caadi ka ahi Golaha Deegaaanka Hargeysa oo aanay ceeb ka ahayn.
Maayarka caasimadda Hargeysa oo ah nin Dhallinyaro ah, islamarkaana goobta joogay markii dagaalku dhacayey, ayaan wax tallaabo ah qaadin, waxana ay arrintani caddayn u tahay inay Golihii Deegaanka ee Hargeysa noqotay meel ay awoodooda iyo Kaartadooda Dagaal ku soo bandhigaan xildhibaanada haatan jooga oo u badan qaar da’yar.
Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax ee Gacanta Xildhibaanku Gaadhay, ayaa la sheegay inuu Qabo waxoogaa dhaawac ah, islamarkaana lama soo sheegin wax tallaabo ah oo lagu anshax marinayo xildhibaanka Mayarka Hortiisa waxaas ku sameeyey lagu anshax marinayo.
Somalidiasporanews.com