|

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, Muxuu ka yidhi dhaliilaha Xukuumadda loo jeedinayo iyo Xildhibaannada KULMIYE ee is-burinaya?..WARAYSI Dhegayso

 

Hargeysa, 09, June 2012 (SDN)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana dhawaan ku biiray Golaha Dhexe ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay dhaliilo ay xidlhibaanno ka baxay Xisbiga KULMIYE ku harqiyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo ah guddoomiyaha guddi-hoosaadka Caddaalada, Shuruucda, Distoorka iyo Xuquuqal-insaanka ee golaha Wakiilada Somaliland, waxa taageeray hadalka afar Xildhibaan oo Xukuumadda dhaliila, kuwaasoo guddoomiye kuxigeenka xisbiga KULMIYE Xil. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) uu sheegay in anshax-marin la mid ah tii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir la marin doono, maadaama ay dhaliileen xukuumadda iyo siyaasadda xisbiga ay ka tirsan yihiin ee talada dalka haya.

Hase yeeshee, Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere oo uu waraysi la yeeshay weriye Siciid Maxamed Askar oo ka tirsan shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa uu sheegay inaanu jawaabta hanjabaada ah la qabin Xildhibaan Wabeeye oo ah guddoomiye kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE.

Halkan ka dhegayso waraysiga Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere

 

Comments are closed