|

Xildhibaan C.laahi Balaaki oo Bannaanka soo dhigay Siro u Qarsoonaa Xukuumada

Hargaysa 14.Feb 2014 (SDN)-Xildhibaan C.laahi Xuseen Cige Balaaki oo ka Tirsan Mudanayaasha Xisbiga Kulmiye ugu Jira Golaha Wakiilada ayaa Cadeeyay in Mudanayaashii soo dhigay Mooshinkii Xiisada ka abuuray Golaha Wakiilada uu Shiriyay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici isla markaana uu Hogaaminayay Fadhi ay ku yeesheen Aqalka Madaxweyne ku Xigeenka kana soo qayb galeen Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada.

Xildhibaan C.laahi BalaakiXildhibaan C.laahi Xuseen Cige Balaaki oo ka qayb qaadanayay dooda Faaqidaada Todobaadka ee Idaacada Voa ee Maanta ayaa ku dooday in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu aqalkiisa ku Shiriyo Mudanayaashiisa taas darteedna aanay jirin Sabab u diidi karta in Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo ka Mid ah Gudoomiye ku Xigeenada Xisbiga Kulmiye uu Kulan isugu Yeedho Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye .

Waxaa kale oo Mudanahani uu Hoosta ka Calaamadiyay in Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada ee Muranku ka soo Unkamay ay ku dhaqmaan dalalka la ologa ah Somaliland,iyadoo Wadamadaasi uu Jagada Hogaaminta Aqalka 1aad ee Sharci dejinta ay qaataan Xisbiga talada dalka haya taas darteedna ay doonayaan sidii ay Xilkaas u qaban lahaayeen.

Hadalka Xildhibaan C.laahi Balaki ayaa Mugdiga ka saaray damaca Xukuumada ee ku Wajahan sidii ay uga Takhalusi lahayd Gudoomiyaha Golaha Wakiilada,Sidoo kale waxa uu Shakiga ka saaray fadhi ay Aqalka Madaxweyne ku Xigeenka ku yeesheen Xildhibaanada taageera dawlada .

Mudanayaasha Mucaaridka ayaa ku Cel Celiyay in Xukuumadu faraha kala baxdo Hawlaha uu Qaranka u hayo Golaha Wakiiladu isla markaana ay Shaqadeeda ku eekaato.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed