Xildhibaan Axmed-yaasiin Oo Madaxweyne Siilaanyo u Sheegay In Jawaabta Reer Awdal Ka Sugayeen Aanay Ahayn Hadal Warbaahinta la Isu Mariyo, Balse laga Sugayo Inuu Tallaabo Cad Qaado
Hargeysa:Jan,03,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Somaliland, lagana soo doorto Gobolka Awdal, ayaa ka Hadlay Jawaabtii madaxweyne Siilaanyo shalay ka yidhi Arrinta Gobolka Awdal iyo Cabashooyinkii jirey oo xasarado kiciyey.
Xildhibaanka oo Maanta la Hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in Jawaabta Madaxweyne Siilaanyo laga sugayey aanay ahayn mid Qawl ah, balse looga Fadhiyey inuu ficil arrintaas kaga jawaabo.
Xildhibaanku waxa uu sheegay arrinta kaliya ee shacabka Reer Awdal Dejin lahayd ay ahayd inuu jawaab cad oo ficil ah oo wax lagaga qabanayo Tabashadooda uu qaado si ay degenaansho u dareemaan,
“Ta Gobolka awdal uu madaxweynuhu kaga Hadlay, waxan is leeyahay madaxweyaha jawaabtii laga sugayey hadal ma ahayn, laakiin tallaabaa laga sugayey si dadku u degaan, waana kii ka garaabay cabashooyinkii jirey.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.
Mudane Axmed Yaasiin, ayaa sheegay inay Haboonayd inuu Madaxweynuhu xataa xidhiidh la sameeyo Suldaanka Duurka Galay, maadaama uu madaxweyne u yahay, waxana uu isagoo arrintaas ka Hadlaya yidhi,
“Jawaabtii la sugayey ficil bay ahayde hadal ma ahayn, xataa kaa ka duday ee uu sheegayey waxay ahayd inuu la xidhiidho oo may ahayn inuu hadallo iskaga yidhaahdo, siduu doonaba ha u dhigee ka cadhoodayna isagaa u madaxwyene ahe”
Xildhibaanka, ayaa sheegay in Dadka Deegaanku cabashada ay qabaan Madaxweynaha usoo gudbiyeen Horraanatii muddo xileedkiisa, iyadoo la galay Dhammaadkii muddadiisana aanu wali tallaabo arrintaas lagu daaweynayo qaadin, waxana uu ku adkaystay inuu masuuliyadaas dareemo,
“Madaxweynaha iyo umaddii hadashay waynu isku waafaqsanahay, madaxweynaha masuuliyaddu waxay ka saaran tahay wax kasta oo khilaaf keenaya, cabashadanina waxay u timi isagoo lix bilood joogay, maantana lixdii ugu dambeeyye ayuu ku jiraa, xataa waxa uu xaq u leeyahay inuu yidhaahdo xaq uma lihididn waxa maqan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-yaasin.
Xildhibaanka oo ka Hadlaya sida masuuliyadda Koowaad u saaran tahay Madaxweynaha, ayaa yidhi,
“cidda go’aanka laga sugaya ee laga cabanayaa wasiir ma ahee madaxweynahay leeyihiin sadburusiinyaan arkaynaaye xaqayayaga nasii,”
Xildhibaanku waxa uu sheegay inaanay Reer Awdal Somaliland cidna uga Tegi doonin, waxana uu tilmaamay in xukuumaddu Haddii ay Ogtahay inuu Suldaan Wabar uu Ciidamo Urursaday ay Waajibkeeda qabsato, waxana uu yidhi,
“Arrinta Gobolka hadday ogtahay inuu suldaan wabar guutooyin urursaday oo uu soo wado maxaa Dawladaha Jaarka looga Been abuurayaa, reer Awdal hadday somaliland ka xiisoodaan oo ay Xamar u xiisoodaan Tallaanu iskugu imanaynaa, Tanna in nalooga Tago mooyaane cidna uga Tegi mayno.”
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com