Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-Nac & Doorka uu ku Leeyahay Arrimaha Samo falka Bulshada Iyo Khibradiisa Waxbarasho waxay Tahay
‘’Waxaan Guryo u dhisay Tobaneeyo Qoys oo ka Mid ah Kuwii ay Mujaahidiintu ka Geeriyoodeen’’
Hargaysa 17.October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘‘Nac-Nac’’ Waxa uu ka Mid yahay Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland,Waxaa Kale oo uu Xubin ka Yahay Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye,Mudadii uu Siyaasada Somaliland Ku Dhex Jiray Waxa uu Wax ka qabtay arrimaha Samo falka iyo u gargaarida dadka Jilicsan Sida Qoysaska Mujaahidiintii Dalkan u soo Halgamay Xorayntiisa,Waxaa kale oo uu ka qayb qaataa Hawlaha dhanka Horumarka .
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘‘Nac-Nac’’ Wuxuu si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku Muujiyey Waxyaabihii uu Bulshada dhexdeeda ka soo qabtay.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘‘Nac-Nac’’ Wuxuu ka mid yahay ah Shakhsiyaadka loo soo Xushay inay ka Mid yihiin Haldoorka Saamaynta ku dhex leh Bulshadiisa Isagoo arrimahan iyo Kuwo kaleba kaga Warbixiyey Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.
Ugu Horayn Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘‘Nac-Nac’’ Wuxuu ka hadlay Halkii uu Ku Dhashay iyo Meelihii uu Wax ku soo bartay Isagoo Yidhi “ Waxaan Ku dhashay Magaalada Hargaysa,Sannadkii ma hayo ,Waxaan Dugsiga Sare ka baxay 1967-dii Waxaan laba Sanno kadib galay Dugsi ku Yaala Magaalada Muqdisho oo lagu barto Culuunta Xoolaha,Waxaan markii danbe tagay Dalka Nayjeeriya Markii aan Waxbarashada soo dhamaystay Waxaan u Wareegay Dalka Imaaraadka Waayo Xiligaas waxaa la Ugaadhsan Jiray Shacabka Somaliland ee Ku hoos jiray Taliskii Siyaad barre,Waxaan ka soo shaqeeyay Dawlada Hoose Imaaraadka halkaas Ayaan markii danbe Halgankii dib u xoraynta dalka ka soo galay,Laakiin Takhasuskayga Waxbarasho Wuxuu Yahay Dhakhtar Xoolaad’’.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac Waxa uu ka hadlay Doorka uu ka qaato arrimaha Samo falka Waxaanu Yidhi ‘’Arrimaha Samo falka Wixii ugu horeeyay ee aan wax ka qabto waxay ahaayeen inaan Dhawr iyo Toban Guri u dhisay Hooyooyinkii Mujaahidiintii SNM,Anigoo Qudhi muu dhisin Balse Dadka Ayaan ka soo qaadaa Wixii dhaqaale ah ee ay kaga qayb qaadanayaan,Waxaan sameeyay Wadooyin door ah oo ay ka mid yihiin Kuwo aan ka dhisnay Xaafada Axmed Dhagax iyo Jidka Balli Gubadle oo Gudideeda aan Gudoomiye u ahay,Sidoo kale Xaafadaha Magaalada hargaysa ayaan ka qayb qaatay Hawlgalo loogu samaynayay Jidad’’
Xildhibaanku Wuxuu ka hadlay Xiligii uu ku dhaqaaqay Arrimaha Samofalka ee Khayriga ah Waxaanu Yidhi ‘’Waxaan Bilaabay Hawshan Samo falka Markii aan noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiiladda Waxaan ku Ololayn Jiray Hadii aad I doorataan Guri idinka dhisan maayo Laakiin Guryo Ayaan idiin dhisayaa,Ilaahay wuu ila garab galay Meelo badana wax Ayaan ka qabtay’’
Xildhibaan Nacnac Waxa uu ka jawaabay sababta uu u doortay inuu wax ka qabto u gargaarista dadka Jilicsan waxaanu yidhi ‘’Xisbiga Kulmiye Ayaan ahaa oo la iga soo doortay Maalin anigoo maraya Buul ay ku Jirto Hooyadii dhashay Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye ‘’Lixle’’ Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee Waan naxay Madaxweynaha haatan Axmed Siilaanyo oo markaas ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ayaan u sheegay oo ku idhi Hooyada dhashay Mujaahidkaas Guri Ayaan u dhisaynaa Wuu igu taageeray Sadex Qol Ayaan u dhisay ,Marxuumadaas Eebbe ha u naxariistee Waxaa la odhan Jiray Ardo,Gurigii ayaa lagu aasay iyadoo faraxsan oo leh dad ayaa idinka danbeeya oo Wiilkaagii Xasuusan,Waxaa ku Xigay nin kale oo Mujaahidiintii Geeriyootay ah oo Maxamud Haybe la odhan jiray,Dee Halkaas ayaan ka sii waday Ilaa Maanta’’
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘’Nac Nac’’ Wuxuu ka hadlay oo Kale Wax ka qabashada Dhinaca Jidadka Waxaanu Yidhi ‘’Xaga Waddooyinka Xaafada aan deganahay ee Axmed dhagax ayaa waxaa jiray Wadooyin Xidhan oo aan Meydka la soo marin jirin Maantana waxaa laga dhigay Wadooyin Cajiib ah taasi waxay ku timid Markii aan la Kaashaday Dadweynaha ee Qaadhaan ay iska soo Uruuriyeen,Waxaa kale oo Hawshaas Kaalin Fiican ka qaadata Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa, Sidoo kale Waddada Balli Gubadle iyo Caasimada isku xidha oo aan Gudideeda Gudoomiye u ahay Waxaa u Suurto gashay inay Wax weyn qabatay Inkasta oo Weli Jidku Socdo Waxaana Hawshaas Qab weyn ka qaadatay Xukuumada Talada haysa, Waxyaabaha Xusuusta leh ee aanan ilaabin waxaa ka mid ah Roob ayaa da’ay oo Khasaare gaystay anigoo dadkii qor qoraya sida ay u kala daran yihiin ayaa waxaa dhacday Nin 50 Sanno Xannuunsanayay oo Xaga Dhimirka ah Ayaan u dhisay Laba Makhsin oo dhagax ah Maantana wuu Nool yahay Markii uu Gurigaas galay Wuxuu Yidhi Alxamdulilaah,Markaa Qofka markaad wax gashato Ilaahayna wuu ku arkayaa Dadkiisuna Way kugu qiimaynayaan’’
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye ‘’Nac Nac’’ Waxaa Kale oo uu Sharaxaad ka bixiyey Sida ay u shaqeeyaan Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Waxqabadkii uu Golihiisu ku talaabsaday.