|

Xildhibaan ahna Sharci Yaqaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Lagu Deg Degay Go’aamadii Lagu Soo Rogay Adeegyada Shirkadaha Isgaadhsiinta

Hargaysa 29. January 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Jaamac Axmed oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay sida ugu haboon ee sicir bararku ku istaagi karo waxaanu sheegay in adeegyada Zaadka iyo Edahab aanay sabab u ahayn sixir bararka dalka ka jira,Waxa uu sidoo kale Talo dhaxal gal ah u soo jeediyay Xukuumadda,isagoo toosh ku iftiimiyay halka sartu ka qudhunsan tahay.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay inay awooda saarto lacagta Qaadka,waxaanu yidhi “Sixir bararku wuu soo noq noqdaa,waxaana dhab ah in adeegyada Zaadka iyo Edahab,aanay sabab u ahayn ama qayb ka ahayn sixir bararka,balse waxa dhab ah in dadkeena oo u badan danyar inay intooda badani isticmaalan boqol dollar lacag ka yar,kuna isticmalaan adeegyadan,iyagoo nolol maalmeedkooda ku isticmalaya,waxaana dhab ah in dawladdu ku deg degtay inay xakameeyso adeegyadan”. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidh “Xukuumadda waxa laga doonayaa inay la timaado siyaasad cad oo ku saabsan sixir bararka,waxaana loo baahnaa inta aanay talaabadan ku dhaqaaqin inay dhinacyo badan wax ka eegto,gaar ahaan lacagta Qaadka,oo aynu ognahay in maalin walba malaayiin lacag ahi inaga gasho,si lacagteenu qiimo u yeelato loona xadido sixir bararka waxa loo baahna in marka Wajaale Qaadka la keeno in halka lacagta doolarka iyo birta lagu isticmaalayo in lacagteena lagu isticmaalo,si lacagteenu tayo u yeelato,oo aanu qiimaheedu hoos u dhicin”. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xukuumadu ku deg degtay go,aamada lagu xakamaynayo adeegyada shirkadaha waxaanu yidhi “Markaas inagoo og oo ay xaqiiqo tahay in dadkeenu ay aad u isticmalaan adeegyadan Zaadka iyo Edahab oo waliba abaaraha qayb libaax leh ka qaatay, oo ay lacagta iskugu diran iyagoo kala fog,walibana intooda badani boqol wax yar isku diran,taas oo xita takulaynta gurmadka abaaraha dadweynuhu kaga qayb galeen , manay ahayn inay xukuumadu ku deg degto xayiraada adeegyadan balse inay aad uga baaraan degto ayey ahayd.”

Comments are closed