|

Xildhibaan Abiib oo dib u helay xoriyadiisii

Hargeysa September 30, 2024(QJ) -Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laga sii daayay xabsiga, kadib markii uu muddo bil ku dhow u xirnaa amar ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland. Xaqiijinta sii daynta xildhibaanka ayaa waxaa warbaahinta u sheegay taliyaha xabsiga uu ku xiran yahay.
Siideynta Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa ka dambeysay amar maanta ka soo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, taasoo xariga Xildhibaanka ku tilmaantay mid sharci darro ah. Maxkamadda ayaa ku amartay taliyaha ciidanka asluubta in uu si deg deg ah u sii daayo xildhibaanka.
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa muddo bil ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, iyadoo ciidamada sirdoonka Somaliland ay ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa markii uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.
Xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib waxa ka horyimid Golaha Wakiilada Somaliland oo sharci daro ku tilmaamay. Baarlamaanka ayaa sidoo kale diiday codsi uga yimid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, kaasoo ahaa in xasaanada laga qaado Xildhibaanka.
Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa xadhiga Abiib ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxaanay hay’adaha dawladda ugu baaqday inay sharciga ilaaliyaan.
Xildhibaanka ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii xeer ilaalintu ay soo bandhigtay eedeymo ku aadan in uu wax u dhimayo dowladnimada, kuwaasi oo uu baarlamaanka si aqlabiyad leh u diiday.

Leave a Reply