|

“Xilalka qaranka ee la magacaabayo meelana waa lagu tuulay, meelana waxad mooddaa inaanay dalkaba xuquuq ku lahayn, qabiilkuna nina waxba siin maayo, laakiin umaddu waxay u baahan tahay in sawirka inay ka wada muuqato……..” Cabdilaahi Jawaan

Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyihii Hore ee Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdilaahi Jawaan, ayaa Ka Hadlay caddaalad-darrada ragaadisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sida uu u lumay nidaamkii dimuqraadiyadeed ee waddanku.

???????????????????????????????Cabdilaahi Jawaan uu u warramay TV-ga Universal, ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo intii ay joogtay dhisamayaal ka fulisay meelo badan dalka ah, balse ay meesha ka baxday hannaankii Dawladeed, isla-markaana ay eex iyo qabyaalad badani waddanka ragaadisay,

“anigu mucarid iyo muxaafid midna ma taageero, laakiin wax badan sida dhismayaasha iyo xafiisyada waa la qabtay, laakiin dhinaca kale caddaalada iyo xaqsoorkii umadda ayaan isu dheeli tirnayn, xilalka qaranka ee la magacaabayana meelana waa lagu tuulay, meelana waxad mooddaa inaanay dalkaba xuquuq ku lahayn, Golaha wasiirradana si baa loo magacaabaa, qabiilkuna nina waxba siin maayo, laakiin umaddu waxay u baahan tahay in sawirka inay ka wada muuqato, dhawr goorna waan ka hadlay. Tirada meelaa u badan tayadiina waa u raacsan tahay” ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

Mudane Jawaan oo hadalkiisa sii wata, ayaa si gaar ah u carrabaabay goobaha eexda badani ka muuqato, ayaa tilmaamay in hannaanka shaqaalaysiinta  shaqaaluhu tusaale fiican yihiin, waxana uu yidhi,

“meelaha aan tebayo waxa kamid ah metelan shaqaalaha waxan arkay in meel walba uu nin geeyo oo gacan-qabad lagu geeyo, taasina waxay dhaawacaysaa kalsoonidii uu qofku ciiddiisa aamini lahaa, waxnaa ay ku keenaysaa niyad-jab, ama qabiil bay cuskanaysaa. eexi markay timaadana qabyaalad baa imanaysa.”

Mudane Cabdilaahi Jawaan  ayaa sheegay in qabyaaladdii seetada  goosatay ay xisbiyada dhexdooda ka muuqato, waxana uu yidhi,

“waxa kale oo aan ku arkay Qabyaaladdii oo seetada goosatay oo xisbiyadii siyaasiga ahaa qabiilkii ku dhexmurmay oo aad leedahay haddaanu reer Hebel nahay Hebel baa noo sharraxan. Taasina dumuqraadiyad ma aha.”

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed