XIL. KIJAANDHE: ‘Muuse Biixi Waa Murashaxayga Maanta, Waana Taageersanahay, Waana Dhisayaa’
Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha wakiilada Somaliland isla markaana ka mid ahaa murashaxiintii Isbahaysiga Xisbiga KULMIYE ayaa maanta si cad u sheegay in uu ka baxay isbahaysigii isla markaana uu taageersanyahay Guddoomiyaha ahna murashaxa xisbigaasi mudane Muuse Biixi Cabdi oo markii hore ay kala mawqif ahaayeen,
Xildhibaan Kijaandhe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in uu ka mid ahaa aasasayaashii xisbiga KULMIYE isla markaana uu muddo dheer kusoo jiray xisbigaasi – waxaana uu si cad u sheegay in aanu ka tagayn xisbiga Kulmiye isla markaana uu taageersanyahay Murashaxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.