Xil-ka Qaadis Lagu Sameeyey Safiirkii Soomaalida u Fadhiyey Magaalada Nairobi iyo Shaqo Kale Oo Lagu Wado Inuu Qabto
Muqdisho:April,03,2015(SDN/QJ)-Maalintii shalay waxa xilkii Safiirnimo ee uu hayey laga xayuubiyey Safiirkii soomaalida u fadhiyey dalka kenya, iyadoo la sheegayo inay xilka-qaadistiisa ka dambaysay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.
Sidoo kale waxa la magacaabay ninkii Bedelli lahaa Safiirkaas hore oo ah Jamaal Xasan, waxana uu uu la soo shaqeeyay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, mudadii uu ahaa Danjiraha Somaliya ee wadanka Mareykanka.
Shirkii Khamiislaha ahaa ee shalay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada, ayaa xilka looga qaaday Maxamed Cali Nuur, iyadoona waxaana lagu soo magacaabay Jamaal Xasan.
Amb. Americo, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxa uu baadigoob ugu jiray xilka Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegay in mudane America laga dhigi doono Duqa Gobolka Banaadir, halka Muungaab oo haatan xilkaas hayana lagu wado inuu Noqdo Safiirka soomaalida u fadhiya Dalka Sudaan.
Maxamed Cali Americo, ayaa Somalida ku nool wadanka Kenya ay ku xusuusan doontaa waxqabadkiisii mudada dhowrka sano ah, ee Safaaradda Magaalada Nairobi uu ka soo shaqeynayay.
SDN/QJ