Xiisaha Ku Lamaan Falanqaynta Buugii Wartabineed ee Dhacdooyinkii Dagaal ee Dalka Ciraaq ee uu Soo Saaray Weriye Raage Oomaar iyo Waxyaabaha uu Ka Xasuusto Madaxweynihii Ciraaq ee La Daldalay Saadaam Xuseen DAAWO
Hargaysa 30. August 2017 (SDN/QJ):- Waxa uu Weriye Raage Oomaar Ku soo Shaac baxay Tebintii Wararka ee Markii uu Socday Dagaalkii Xulufada uu hogaamiyo Maraykanku ku qaadeen Dalka Ciraaq si ay Xukunka uga ridaan Madaxweynihii Xiligaas ee Dalka Ciraaq Sadaam Xuseen.
Weriye Raage Oomaar Markii uu Socday Dagaalkii Ciraaq Waxa uu ahaa Weriyihii Telefishanka BBC-da uga soo Waramayay Dhacdooyinkii Dagaal ee Ka Socday Dalka Ciraaq guud ahaan Gaar ahaan Caasimadda Dalkaasi ee Baqdaad taas oo uu ku Mutaystay Abaal marino Heer Caalami ah.