Xiisadii u dhexeysa Liibiya iyo dalalka ay jaarka yihiin oo sii korodhay
Tripoli Feb 26,2012(SDN)-Hogaamiyaha golaha ku meel gaadhka ah ee dalka Liibiya ayaa ku hanjabay in ay dib u eegis ku samayn doonaan cilaaqaadka dalalka Jiiraanka ay yihiin ee u soo gudbin waaya taageerayaasha hogaamiyihii la dilay Mucamar al-qadaafi ee dalalka jiiraanka qaarkood gaboodsanaya.
Mr, Musdafa Cabdil-jaliil oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada dalka Liibiya ee Tropuli waxa uu xusay in dalalka qaabilay taageerayaashii Qadaafi , ee aan u soo gacan gelin maamulkooda , ay ka qaadan doonaan talaabo ah in ay dib u eegaan cilaaqaadkooda diblumaasiyadeed ee ay dalalkaasi la leeyihiin
Musdafa cabdil-jaliil waxa uu isku xidhay cilaaqaadka dib lumaasiyadeed ee mustaqbalka ka dhaxaynaaya dalalka jiraanka iyo sidii ay Maamulka Liibiya ka taliya ugala shaqeeyaan , gacana ay ugu siiyaan iinay u soo gacan geliyaan dadka tsaageerayaasha Qadaafi ahaa ee dalkooda ku sugan. Hase ahaatee Musadafa C/jaliil ma xadidin dalalka hadalkiisani ula jeedo, hase ahaatee waxauu sheegay inay arinkan kala hadleen dalalka afrika iyo carabtaba leh.
Waxaanuu intaa raaciyey in dalalkaasi ay magan gelyo siiyeen waxa uu ugu eedhay cadowga Liibiya ee xaday hantidii dadka reer liibiya. Waxaanu xusay oo kale in ay hayaan adilaad muujinaya in dadkaasi la magan gelyo siiyey ay u gaysteen shacabka liibiya dhagaro dagaal.
SDN-Tripoli